WHO oo Shaacisay 8 Dal oo Afrikaan ah oo uu si Xowli ah ugu Fidayo Xanuunka COVID19

0
20

Xafiiska Afrika ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegay in 8 dal oo ka mid ah qaaradda Afrika uu si xowli ah ugu sii fidayo cudurka COVID19.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in dalalka kala ah Nayjeeriya, Aljeeriya, Masar, Kaamiruun, Guinea, Koongada Dimoqradiga, iyo Ivory Coast uu si xowli ah ugu fidayo cudurka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in 80% kiisaska laga helay qaaradda ay yihiin dad ka soo jeeda dalalkaas.

Tusaale ahaan Ghana ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay 11,118 bukaan oo qaba cudurka iyada oo 3,979 ka mid ay bogsadeen halka 48 qofina ay u geeriyoodeen.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa warbixinta lagu sheegay in faafka cudurka ee qaaradda uu sii laba lixaasaday walow marka dunida kale la barbar dhigo ay tiro ahaan aad u yartahay midda laga diiwaan geliyo qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here