Hey’adda caafimaadka Adduunka ku talisay in Afgashiga loo xirto goobaha bulsahda

0
19

Hay’adda Caafimaad Adduunka ee WHO ayaa ku talisay in dadweynuhu ay xirtaan Afgashiga xilliyada ay ku suganyihiin goobaha ay dadweynuhu ku badanyihiin si loo xakameeyo faafidda cudurka COVID19.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay heshay xogo tilmaamaya in marada Af-kashiga ah ay hakinayso qoyaanka yar la socdo feyraska.

Inta badan dalalka dunida ayaa muwaadiniintooda qasab uga dhigay xirashada sangashiga gaar ahaan xilliyada ay joogaan goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan.

kal hore, Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) iyo Xarunta ka hortaga cudurada faafa ee Mareekanka (CDC) kuma talin in dadweynaha ay xirtan labada nooc si ay naftooda uga ilaalliyaan cudurada lagu kala qaado dhibacaha qoyan, uu ku jiro cudurka COVID19.

Afgashiga waa labo (2) nooc mid; nooca qaliimada loo xirto (surgical face mask) iyo midka loo xirto cudurada kula gudbo neefta (N95 respirator). Afgashiga nooca qaliimada qof caafimaad qaba uma baahna in uu xirto, qofka kaliya u baahan waa qofka la xannuunsan cudurka (Qandho, qufaca ama hindhisid leh) si dadka hareerihiisa jooga uga illaaliyo qoyaanka yaryar ka imaanayo markuu qufac ama hindhiso. Afgashiga nooca N95 (N95 respirator) waxaa badanaa loo isticmaalaa Cisbitaalada gaar ahaan qeybaha cudurada faafa kaliya iyo shaqaalaha halista ugu jiro cudurkadaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here