Soomaaliya; Tirada bukaannada qaba cudurka COVID19 oo kor u dhaafay 1,000 bukaan

0
92

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in cudurka COVID19 laga helay 57 bukaan maantay oo Axad ah, tiradaas ayaa ka dhigan in bukaannada qaba cudurka ey kor u dhaafeen 1,000 bukaan tan iyo markii la xaqiijiyey bukaankii ugu horreeyay ee qaba cudurka COVID19 bishii Maarso 16keeda.

Gobalka Benaadir ayaa weli ah xudunta cudurka waxaana ku nool 882 bukaan oo laga helay cudurka, waxaana ku xiga gobalka Nugaal oo lagu arkay 74 bukaan, W/galbeed  37 bukaan, J/Hoose 27, Baay 24, Mudug iyo Togdheer 4, Hiiraan iyo Sanaag 3, halka gobalka Awdal lagu arkay 1 bukaan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu aad u saameyay cudurka kuwaaso ku yaalo geeska Africa ayadoo tirada bukaannada qaba cudurka ey gaarayaan 1,054 bukaan. Dalka Djibouti ayaa ah dalka ugu badan ee lagu arkay cudurka 1189 bukaan, waxaa ku xiga Soomaaliya 1054 bukaan, Kenya 672 bukaan, Ethiopia 239 bukaan iyo Eratareeya 39 bukaan.

Dhinaca kale, dunnida tirada dadka cudurka ku dhacay ayaa kor u dhaafaya 4,153,293 milyan, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay Maraykanka, halka dhimashada cudurka COVID19 ayaa kor u dhaaftay 282,744 bukaan guud ahaan Caalamka.

Cudurka COVID-19, waa mid ka mid ah cudurada la is qaadsiiyo ama faafa, Cudurkan ayaa horraantii bishii Disember 2019 ka dillaacay magaalada Wuhan, gobolka Hubei ee dalka Shiinaha. Calaamadaha ugu caansan ee cudurka COVID-19 waa qandho, qufac, neefsashada adkaato iyo urta iyo dhadhanka dhuma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here