Soomaaliya: Covid-19 saddax bil ka dib Casharro iyo Caqabad

0
207

Cudurka COVID-19 waa xanuun faafa oo aad la isku qaadsiiyo, Waxaa keena Feyrus loo yaqaano SARS-COV2, markii ugu horreysay waxaa lagu arkay magaalada Wuhan, China, December 2019kii.

Hay’addaa Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay 30kii January 2020 ku dhawaaqday in uu xanuunku dillaacay qatar caafimaadna ku yahay dunida oo dhan (Public Health Emergency of International Concern), sidoo kale 11kii March 2020 waxey WHO ku dhawaaqday in uu yahay Cudur Saf-mar ah oo qaarad ka qaarad isaga gudbaaya (Pandemic).

Ilaa hadda wuxuu xanuunku ku dhacay dad ka badan 7.8 Million kuwaasoo oo ku kala baahsan 213 waddan oo dunida laga soo sheegay, waxaa u geeriyooday dad kor u dhaafaya 431,192 Kun halka ey ka bogsadeen dad kor u dhaafaya 3.5 Million.

Soomaaliya bukaankii ugu horreeyay ee qaba cudurka COVID19 16kii March 2020. Haddaba, mudo 90 maalmood kaddib maanta xanuunku wuxuu ku dhacay 2,642 qof, oo 622 qofood oo ka mid ahi ay ka bogsatay, 88 qofna u geeriyootay. Xanuunka wuxuu ku faafay dhammaan gobollada dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo u diyaarsanaanta ka jawaabidda COVID-19

Kadib markii uu cudurka COVID-19 soo gaaray dalalka dariska la ah Soomaaliya, dawladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin kahortag ah kuwaasoo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka bulshada gudahaheeda, tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah; in dowladdu xirtay xuduudaha dalka, in la hakiyay waxbarashadii dugsiyada iyo kuwii jaamacadaha, in la mamanuucay kulammada dadka badan iskugu imaanayeen, in la joojiyey Khatkii ( Qat/jaadkii) waddanka la keeni jiray iyo in la soo rogay bandow habeenkii ka dhaqangalay magaalooyinka qaar laakiin sidii la qorsheeyey aa u dhaqan gelin.

Dhinaca kale, dowladu waxaa magacawday Guddi heer qaran ah oo ka shaqeynaya arimaha COVID-19, oo ay ka mid yihiin Wasiirro, Ganacsato, Culumaa’udiin, Dhakhaatiir iyo Bulshada Rayidka ah. Sidaas si la mid ah, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulsahada Soomaaliya waxey diyaarisay labo xarun oo loogu talo galay in lagu karantiilo dadka looga shakiyo xanuunka, laguna daaweeyo dadka uu xanuunku haleelo xaalad qatar ahna gaara.

Sidoo kale, Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu magacaabay gudi dhakhaatiir ah oo ka shaqeynayay la talinta wasaaradda caafimadka, wacyigalinta iyo tababarada xirfadlayaasha caafimada ee arimaha COVID-19.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka nidaamkooda caafimaad liito. Sidaas darted, Hannaanka dowladda Soomaaliya uga jawaab-celisay ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19 aad ayuu u hooseeyay oo waxaa muuqatay in aan la qaadin talloobooyin muhim ahaa inta uusan cudurka dalka soogaarin. Sida; in la diyaariyo qorshihii iyo siyaasadda lagu wajihilahaa cudurka, Isku-duwidda dadaallada ku wajahan cudurka heer degmo iyo gobol oo ahaa mid liita iyo wadatashi aan lala sameyn kaadiriinta caafimaadka dalka.

Seddexdaas qodob kor kuxusan ayaa waxaa ka dhashay caqabado badan kuwaasoo sababay in wax qabadkii loo baahnaa aan lagu qaban waqtigii la rabay sababayna jahawareer iyo isku dhexyaac shaqo.

Caqabadihii lala kulmay maxey ahaayeen?
Inkastoo dowladda soomaaliya ey waday dadaal xooggan oo lagula jiray ka guuleysiga cudurka COVID-19, laakiin nasiibdarro waxaa soo baxay caqabaddo waaweyn oo saameyn ku yeeshay howlihii socday, Caqabadahaas waxaa ka mid ahaa:

  1. Cudurka inuu saameeyay ama ku dhacay bilawgiisi saraakiil caafimaad oo ka tirsanaa wasaaradda caafimadka iyo howlwadeenno caafimaad ee ka shaqeynayay howlaha COVID-19.
  2. Hantidhawrka iyo hay’adaha caddaaladdu waxa ey xirtay dhawr saraakiil caafimaad ah oo tuhun musuq soo galay kana tirsanaa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kuwaa oo laf dhabar u ahaa howlaha COVID-19.
  3. Waxaa habacsanaan ka muuqatey hoggaanka wasaaradda iyo xiriirka ka dhaxeeyay hey’adaha kala duwan ee arimaha caafimadka ama wacyigalinta COVID-19 ka shaqeynayay oo is-bar-bar-yaac badani ka jiray.
  4. Waxaa la awoodi waayay oo adkaatay in la raadraaco oo lasoo helo dadka xiriir dhow la yeeshay bukaanka laga helo cudurka.
  5. Awooda baaritaanka oo bilawgii aad u hooseeyay dalka dibeddiisana loo diri jiray si loo baaro muunada lasoo qaaday, inkasto waqtiyadii danbe dalka la keenay qalabka lagu baaro xanuunka laakiin waxa u ahaa mid kooban, sidoo kale waxaa yarayd awoodda baaritaan baahsan lagu samayn karo.
  6. Waxaa aad u soo ifbaxday in xaruntii loogu talo galay in lagu daaweeyo bukaannada qaba COVID-19 oo neefxiranka yeesha eysan la-heyn Oxygen beeran/baahsan ( Centrilized Oxygen) sido kale eysan laheyn xarun lagu daweeyo bukaanada ubaahan daryeel gaarka ah (ICU ).
  7. La’aanta isbitaallo u diyaarsan cilmi-baarsis si wax badan looga ogaado hawsha socota iyo dhaqanka cudurka gaar ahaan xarumihii lagu daaweynayay xanuunka COVID-19.

Maxaa ka barannay COVID-19?
Dalalka adduunka marka uu dilaaco cudur safmar ah khaladaadka dhaca waxay noqdaan fursad fiican wax lagu saxo. Sidoo kale, fursad lagu xoojiyo nidaamka caafimaad dalalka si berri khibradda iyo aqoonta la helay looga faa’ido laguna baxsado. Sidaas darteed, casharada ugu muhiimsan ee laga barankaro habka iyo hannaaka loo wajahay ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19 ee Soomaaliya ayaa kala ah:

  1. In dib u habeyn ballaaran oo tayeysan lagu sameeyo habdhismeedka maammulka caafimadk dalka, gaar ahaan Hay’adda caafimaadka dadweynaha (National public health agency)
  2. In loo baahanyhay yagleelida guddi heer qaran ah oo ka taliya kana shaqeeya maareynta iyo ka jawaabidda musiibooyinka (National Emergency Response Committee)
  3. In la xoojiyo tayada machadka cilmi barista caafimaadka si loo helo cilmi baaris caafimaad oorasmi ah oo mustaqbalka hagta siyaasadda iyo qorshaha xaaladaha caafimaadka degdega(National Health Emergency Plan).
  4. In si buuxda loo qalabeeyo sheybaarka dhexe ee dalka loona dhammeystiro qalab, shaqaale, tababbarro joogta ahna la siiyo si looga maarmo intii macquul ah in dalka dibeddiisa lagu soo baaro xanuunnada faafa ee mar walba ka jira kuna soo noqnoqda dalkeenna, sido kale xarumo kale laga furo gobolada dalka.
  5. In isbitaallada guud ee dowladda hoos yimaada tayadooda iyo agabkooda si aad ah kor loogu qaado, loona sameeyo oxygen tallaalan, sidoo kale, in si joogta ah loola socdo howlaha caafimaad ee bulshada u qabanayaan in ee gaarsiisantahay heerkii loogu talo galay, wixii taageero ahna markaaba loo fidiyo. Sidaas si lamid ah isbitaalada gobolada gaar ahaan kuwa magaalada madaxyada ku yaala ugu yaraan loo helo oxygen tallaalan.
  6. In la sii diyaariyo kaadiriin caafimaad oo taqsusu / xirfado kala duwan leh eyna ka mid noqdaan shaqaalaha aan joogtada aheyn ee wasaaradda caafimaadka loona dhammeystiro wax walbo oo ay u baahanyihiin sida tababbarro joogta ah si loo hawlgeliyo haddii ee dhacdo baahi caafimad oo deg-deg lama filaana ah loona baahdo shaqaale dheeri ah.
  7. In haddii si dhaqso leh looga jawaabo cudur-dillaaca ay yaraanayso khatarta inuu cudurku ku faafo meelo badan oo uu waxyeelleeyo dad badan.
  8. Ugu danbeyn in dhiirigalin heerkeedu sareeyo loo sameeyo halyeeyadi naf tooda u huray bad-baadinta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray:
Dr. Ibraahim Guled, Xoghaya Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ahna dhakhtar ku taqasusay cudarada Caruurta. Kala xiriir: Drguledyare88@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here