Sidee COVID-19 Dadka U Dilaa?

0
55

Sida ay tilmaamayaan baadhitaannada hordhaca ah ee kasoo baxaya xarumaha lagu dawaynayo dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19, in ka badan 99% dadka dhimanayaa waxay u dhimanayaan sanbabadooda oo shaqadii joojiyay; xaalad loo yaqaan Acute respiratory distress syndrome (ARDS). Xaaladani waa marxalada ugu danbaysa afar marxalladood oo uu maro cudurka uu keenay SARS-CoV-2. Xannuunku waxa uu ka bilaabmaa sanka isagoo ku bilaabmaa xumad, qufac qalalan, iyo waxoogaa daal iyo damqasho guud ah; waxa uu uga sii gudbaa xumad xad-dhaaf ah (>39℃) iyo neef-qabad, qofka oo neefsigu ku adkaado iyo sakaarka oo si gaar ah u damqada, kuwani waxay astaamo u yihiin xannuunkii oo sanbabka gaadhay. Haddii uu kasoo rayn waayo Fayrasku (SARS-CoV-2)  waxa uu u degaa sanbabka halkaas oo uu ku sameyo caabuq (viral pneumonia). haddiiba xannuunku sanbabka gaadho waxa bilaabantay marxalladii adkayd; aqlabiyada dadka heerkan xaalkoodu gaadhaa waxa la xaqiijiyay in ay ubaahan doonaan mishiinka neefsiga caawiya (ventilator).

Sida ay sheegayso cilmi-baadhis hordhac ah oo lagu daabacay “The Journal of American Medical Association (JAMA)” oo cinwaankiisu ahaa “Clinical Characteristics of 138 Hospitalized Patients With 2019 Novel Coronavirus–Infected Pneumonia in Wuhan, China”  dadka xannuunku hayo tiro aad u yar (<1%) ayuunbaa heerkan gaadha, waxaanay ku qaadataa mudo u dhaxaysa todobaad ilaa toban maalmood in ay xaaladan khatarta ah gaadhaan marka laga bilaabo maalinta ugu horaysa ee ay astaamaha xannuunka isku arkaan.

Dadka da’doodu wayn tahay (>65 sano), xannuuno kalena qabay COVID 19 kahor, ayaa u badan dadka mashiinka neefsiga caawiyaa waxba u tari waayo ee geeriyooda. Waxay u dhintaan xubno badan oo jidhka ah oo markeli ah shaqada wada joojiyaa multi-organ failure (MOF). Waxa is waydiin leh sababta fayraskani si gaar ah u dhaawaco sanbabta ee uu uga khatar batay Fayrasyo aad u tiro badan oo dhamaantood wax yeela sanbabka laakin aan khatartan oo kale lahayn, oo xattaa qaarkood ay SARS-CoV-2 isku qoys yihiin.

Sababtu waa laba arimood oo aad u muhiim ah oo uu Fayraskani kaga duwan yahay fayrasyada kale, waa inta ilaa hada la xaqiijiyaye.

Sababta koobaad waa iyadoo unugyada sanbabku hodan ku yihiin jeebabka (receptors) ay qabsadaan farraarada Fayrasku (SARS-CoV-2 spike proteins). Jeebabkaa oo loo yaqaan ACE2 xubinta ugu badan ee ay jidhka kaga jiraan waa sanbabka, waxaase soo raaca kelyaha, mindhicirka iyo xididada dhiiga qaada. Marka fayrasku farraaradiisa (spikes) ku dhejisto jeebabkaas waxa ka dhasha saamayn aad u layaab badan oo u gaar ah fayraskan: dhamaan xididada dhiiga geeya nudaha sanbabku way balaadhaan (vasodilation) waxaana kordha dhiiga soo gelaya sanbabka. Dhiigaas xad-dhaafka ah kuma ekaado xididada dhexdooda ee waxa uu kusoo fatahaa rucubaha oksajiin qaybiyayaasha ah ee alfiyoolay-ga (Alveoli). Arintani waxay keentaa qofkii oo dhiigiisa iyo bihihiisa ku qarqooma, oo neefsan kari waaya biyo sanbabkiisa buux dhaafiyay darteed.

Sababta labaad waxa weeye dhiigaa ku soo butaacay sanbabku waxa uu wataa tobanaan nooc oo unugyadii difaaca ah oo dhamaantood kaqayb qaata iska caabinta jeermiska ay ka midd yihiin Fayras-yada iyo Bacteeriyadu. Hasayeeshee, qaar unugyadaa difaaca ka midd ah, sida unugyada loo yaqaan Macrophage iyo Lymphocytes  waxay yeeshaan saamayn taban marka ay wayraxaan ee ay fal-celintoodu wisiisi noqoto. Unugyadani waxay dhiiga kusii daayaan maadado fariin qaadayaal ah oo layidhaa cytokines.

Cytokines waxay qaabilsan yihiin in ay fariin dhiilo ah gaadhsiiyaan dhamaan unugyada difaaca si ay usoo gurmadaan; waxaana ugu caansan marka fayrasyada laga hortegayo cytokine la yidhaa Interleukin 6, Interleukin 1, iyo Interleukin 12. Natiijada kama danbaysta ah ee kasoo baxda carinta Inteleukin 6 iyo saaxiibadeed waxa weeye in difaacii jidhka la geliyo heegan aad iyo aad uga badan intii loobaahnaa, taasi oo burburisa unugyadii jidhka ee fayrasku aafeeyay iyo kuwii caafimaadka qabay labadaba. Taasi waxaad ka arki kartaa in jidhka qofka laba danab kudhacayaan: mid fayrasku la beegsanayo iyo midd difaaca jidhku la beegsanayo; arinku waa hal laba midigle dhengedeeyay dhanna uma fayooba. Xaaladani waa ta loo bixiyay cytokine storm.

Sanbabkii qofka biyo dhiigiisa kasoo tafay ayaa buuxdaafiyay, difaacii jidhkiisuna waxa uu burburinayaa unugyadaa fayoobaa ee fayraska iska caabiyi lahaa taasi waa laba mushkiladood oo sanbabka qofka ku kulmay taasi ayaa keentay in uu shaqadaba joojiyo , sidaana qofku u geeriyoodo. Arintan waxa sii xoogeeya dadka xannuunada hore qabay, sida asthma, COPD, wadno xannuun, macaan iyo dhiig kar. Waxa taal la mid ah dadka mudo dheer sigaarka cabayay ee sanbabkoodu itaalka daran yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here