Faallo: Sida ugu habboon ee Soomaaliya isaga ilaalin karto waxyeellada cudurka COVID-19

0
27

Waxa dalal badan oo caalamka ah faro kulul ku haya cudurka COVID-19 ee uu keeno feyruska dunida ku cusub ee ka tirsan bahda feyrusyada taajka u eg (coronaviridae).

Nasiib wanaag Soomaaliya weli wax xaalado ah laguma arag. Badbaadada rabbi ka sokow waxaa suurto gelisey saboolnimada Soomaaliya maadaama aynu nahay dal aan socoto badan soo gelin sida dalalka horumaray.

Aqoonta saynis ee loo leeyahay cudurkan waa mid kooban, welina isa soo tareysa. Weli ma jiraan dawooyin ama tallaal cudurkan lagu xakamayn karo. Sidaas daraadeed dalalka caalamku waxa ay qaadayaan tallaabooyin aan isku mid ahayn oo ay kaga hortagayaan ama ku xakamaynayaan fididda cudurkan. Waddan kasta waxa uu ku jaangooyey istaraatijiyadiisa heerka cudurku ka marayo waddankaas gudihiisa, waddamada deriska la ah, saameynta tallaabooyinka kala duwan ku yeelan karaan dhaqaalaha iyo nolosha dadkiisa iyo awoodda nidaamkiisa caafimaad (health system capacity).

Tusaale, dalka Shiinuhu wuxu dhaqan geliyey karantiin bulsho oo adag (community quarantine) iyaga oo eegaya in haddii cudurku si baaxad leh u fido aan nidaamkooda caafimaad la tacaali karin tobannaanka milyan oo qof ee uu cudurku soo ridan karo. Waddamada Yurub badankoodu waxay isticmaalayaan istaraatiijiyad taa ka duwan. Waxa ay sameynayaan karantiin kooban oo leh labo ujeeddo: kow, in ay hoos u dhigaan xawaaraha cudurku ku fidayo si aanu uga tan badan nidaamkooda caafimaad; labo, in ay kororka u badan ee cudurka ku aaddiyaan bilaha kulul ee xagaaga, waqtigaas oo ay yar yihiin dadka cusbitaalada ujiifa xanuunada kale ee dillaaca waqtiga qabooba- taas oo sariiro badan u banneyneysa bukaannada cudurkan cusub. Waqtiga xagaaga sidoo kale waxa xiran iskuulada iyo jaamacadaha oo qeyb weyn ka qaata fididda cudurrada maadaama dad badan isugu yimaadaan. Waxa jira sababo kale balse maadaama ay adagtahay in Soomaali lagu fasiro waan ka boodayaa.

Haddaba Soomaaliya maxaa la gudboon si ay isaga ilaaliso fididda cudurkan?

Si aan su’aashaas uga jawaabno, aan qiimeyno sida uu u ekaan karo cudurkani haddii uu dalka soo galo (Allah ma qaddaree) innaga oo ka duuleyno casharada laga bartay dalalka uu ka jiro cudurkan.

Xaaladda Soomaaliya saddex arrimood ayey kaga fiicnaan kartaa dalalka hadda cudurku ka jiro, qiyaastayda:

  1. Cudurkan waxa si gaar ah ugu nugul in ay aad ugu xanuunsadaan ama u dhintaan dadka waayeelka ah iyo dadka qaba xanuunada raaga sida sonkorta, dhiig karka, xanuunada wadnaha iyo saableyda. Marka loo barbardhigo dalalka horumaray ee cudurkan uu ku fiday, Soomaaliya waa dal dhalin yar oo dadkeenu 70% waxay ka yaryihiin 35 sano.
  2. Soomaaliya cimillo ahaan waa kulayl. Feyruusyada qaarkood si fudud uma gudbaan xilliga kuleylka. Taas macneheedu maaha in aan cudurku dadka ku dhici karin, ee waxa hoos u dhici kara inta qof ee qofka xanuunsan uu cudurka u gudbin karo. Welina 100% lama hubo feyruuskaan cusub in uu sidaas u dhaqmi doono.
  3. Marka laga reebo dhowr magaalo oo waaweyn, inta badan dadka dalka ku nool waxay ku kala firirsan yihiin toolooyin iyo weliba miyi, isu socod kuna aad uma badna. Taas macneheedu waxa weeye haddii cudur meel ka dillaaco dhaqso uguma fidi karo dalka oo dhan.

Dhanka kale, Soomaaliya lix arrimood ayey kaga liidataa dalalka hadda cudurku ka jiro, qiyaastayda:

  1. Soomaaliya ma leh nidaam caafimaad oo awood leh. Iska dhaaf cusbitaalo ku qalabaysan mashiinada neefsiga bukaanka ka caawiya, dawooyin kaalmaati ah oo casri ah iyo xirfad layaal tababarane, inta badan bulshada Soomaaliyeed waxa ku adag in ay helaan daawo qandho/xummad jebin oo tayadeeda la hubo, qiimaheedana ay awoodaan, iyo sidoo kale helitaanka agabka asaasiga ah ee nadaafadda. Waxaan shaki ku jirin in dalalka hadda cudurku ka jiro ee Yurub, Maraykanka iyo Aasiya ay badbaadiyeen dad badan oo haddii cudurku ku heli lahaa dal sida Soomaaliya oo kale ah u dhiman lahaa.
  2. Dadka Soomaaliyeed waxa ay u nool yihiin qaab qoysas ballaaran ah. Aqoonta habfididda cudurkan (epidemiology) ee ilaa hadda la hayo waxay muujineysaa in goobta ugu badan ee cudurkan la isugu gudbiyo ay tahay guryaha lagu wada nool yahay. Dalalka horumaray qoysaska guriga ku wada nool kama badna celcelis labo ilaa afar qof, halka celceliska qoysaska (household) Soomaalida uu yahay lix qof. Taasi waxay ka dhigan tahay in tiro-kororka (reproduction number) cudurkan hadduu Soomaaliya soo gaaro ay kor u kacayso, oo qofku uu qaadsiinayo dad badan.
  3. Soomaaliya waxa ku badan nafaqa darrada. Arrintaan waa ku yar tahay dalalka horumaray. Ka bogsiga cudurrada ku dhaca neef mareenka (respiratory infections) waxa qayb weyn ka qaata heerka nafaqada jirka.
  4. Waxa aad u tiro badan is dhexgalka iyo isu imaatinka bulshada sida waqtiyada salaadda, maqaayadaha laga shaaho oo inta badan nadaafaddoodu hooseyso, is gacan qaadka oo badan, iyo goobaha waxbarashada oo ciriiri ah. Waxyaabahaas oo dhan waxa ay caawiyaan fididda cudurrada neefsiga lagu kala qaado.
  5. Qaybo badan oo dalka ka mid ah waa adag tahay in loo sameeyo gurmad caafimaad oo degdeg ah sababo ay ka mid yihiin amniga, waddooyinka, dhaqaalaha iyo shaqaalaha caafimaad oo hooseeya.
  6. Waxa adag in la hirgeliyo tallaabooyinka ad-adag ee cudurka lagu xakameyn karo sida in dadka lagu amro in aaney guryaha ka soo bixin. Badi dadweynuhu ma haystaan dhaqaale ay isku maareeyaan muddo toddobaadyo ama bilo ah, waxaa yar korontada iyo tallaagadaha cuntada lagu kaydsado. Sidoo kale dadka Soomaalida ah ma aha dad u jajaban qaadashada talooyinka caafimaad iyo amarrada maamul.

Haddaba marka aynu qiimeyno waxyaabaha kor ku xusan, Soomaaliya istaraatiijiyada ugu habboon ee ay dhaqan gelin karto waa in ay ka hortagto in cudurkaan gebi ahaanba dalka soo galo, iyada oo la joojinayo dadka ka soo safraya dalalka cudurkani ka jiro oo hadda ay ubuc cusub (new epicenter) u noqdeen dalalka qaaradda Yurub oo isku xirnaansheheena safar uu ka badan yahay Shiinaha. Sidoo kale si dhow loola socdo isu socodka dhanka xeebaha ee doonyaha kalluumaysiga, il gaar ahna lagu hayo sida ay noqoto xaaladda dalalka aan xuduudda berriga ah wadaagno ee Itoobiya iyo Kenya. Tallaabadaas waxa horey u qaaday dalka Waqooyiga Kuuriya oo xiray xuduudkiisa wax yar kadib markii cudurku ka dillaacay dalka ay deriska yihiin ee Shiinaha. Waxaa tallaabo taas u soo eg hadda ku dhawaaqday dowladda aan deriska nahay ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here