Saameynta ay Shiishaddu (HOOKAH) ku leedahay caafimaadka Aadanaha

0
49

W/Q: Ismaaciil Faarax

Qarnigaan kow iyo labaatanaad, waxaa bulshadeenna Soomaaliyeed ku soo badanayo isticmaalka Shiishadda ama Hookah. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku qaldantay misane lagu qalday Shiishadda. Inkastoo qaar ka mid ah dhallintaas ay ku dooddaan in Shiishaddu aysan caafimaadka dhib ku ahayn, balse xaqiiqadu taas way ka fogtahay, oo shiishadda waxay saamayn caafimaad oo aad u daran ku leedahay caafimaadka qofka isticmaala, iyo waliba kuwa ka agdhow.

Haddaba, maqaalkaan ugama hadli doono xalaal iyo xaaraam Shiishaddu waxa ay tahay, balse waxaan ku lafo guri doonaa, saameynta ay cabista Shiishaddu ku yeelan karto caafimaadka, qofka caba iyo qofka ka ag dhaw.

Waa maxay Shiishaddu:
Shiishaddu, Badeeco ama hookah, waa dhuumo biyood loo isticmaalo in lagu dhuuqo tubaako lagu laray (qasay) mirro sida: Tufaax, Qarre, Qunbe iyo wixii la mid ah, Shiishadda waxaa loo cabaa si koox ah, oo hal dhuun ayey wadaagaan tirro dad ah ama si shaqsi ah.

Mid ka mid ah agabka lagu cabo/dhuuqo shiishadda – Sawirka Google.

Dhibaatada caafimaad ee Shiishaddu leedahay
Dhuxusha lagu shiddo, ama lagu qiiqiyo Shiishadda waxaa ku jira sunta Carbon Monoxide.  Carbon monoxide, waa sun gaas ah oo aan dhadhan, midib iyo carafba laheyn oo qofka soo gaarsiin karto waxyeelo baahsan oo caafimaad hadii uu neef ahaan u qaato, waxaana ka mid ah; cudurada ku dhaca maskaxda iyo wadnaha. Sidoo kale, Carbon monoxide waxaa ku jiro kiimikooyin halis ku ah caafimaadka noolaha. Hadduu qiicaas soo dhax maro biyaha ama dareeraha ku dhax jiro dhuunta shiishada, weli saameynta suntaas waa ay sii jirtaa.

Shiishada waxay sababtaa caabuqyada ku dhaca hawo mareenka, gaar ahaan caabuqa ku dhaca tubooyinga hawada.

Shiishadu waxay kordhisa halista kansarka, gaar ahaan kuwa ku dhaco Sambabka. Kasarka Sambabka ku dhacda waa midka loogu dhimasho badan yahay marka loo eego noocyada kale ee kansarka, ku dhawaad  labo (2) malyan oo qof ayuu dilaa sanadkii. Haddaba, qofka Shiishada dhuuqaa waxuu seddex (3) jibaar ka halis badan yahay qofka aan dhuuqin inuu ku dhaco kansarka Sambabka. Sidoo kale, Shiishada waxay sababi kartaa kansarka ku dhaca Kaadi-heysta, hunguriga iyo afka.

Tubaakada ku jirta shiishaddu waxay kaloo sababi kartaa in xididadu xirmaa taasoo horseedi karta cudurada wadnaha ku dhaca.

Dhuunta laga dhuuqo Shiishadda ayaa ah mid dad badan ay wadaagaan, taasoo si fudud u horseedi karta cuduradda candhuufta lagu kala qaado, sida; Qaaxada,  maadaama ay macquul tahay in qofka aad la wadaageyso uu jiran yahay.

Ilmaha ay dhalaan haweenka Shiishadda dhuuqo, ayaa ah kuwa ka miisaan hooseeya kuwa ay dhallaan haweenka aan isticmaalin shiishaada waxayna  halis ugu jiraan xannuunada ku dhaco hawo mareenada.

Dadka ka ag dhow goobaha lagu cabo shiishadda
Shiishadu waxay saamayn caafimaad ku yeelataa dadka aan cabin kuwaasoo ka ag dhow goobbaha Shiishadda lagu dhuuqo, sida; guryaha, maqaayda iwm. Dadkaas waxay halis ugu jiraan xanuunada kor ku xusan, waxayna qaadanayaan neef ahaan Dorroogada Nicotine iyadoo ay intaas u sii dheer tahay qaaca tirada badan ee kasoo baxa dhuumaha Shiishada.

Mid ka mid ah goobaha lagu cabo shiishada – Sawirka Google

Shiishadda iyo Sigaarka
Dad badani waxay ku baraarugsan yihiin halista uu sigaarku ku leeyahay caafimaadka noolaha, balse nasiib darro ma fahansano in waxyeelada Shiishadu ay ka daran tahay sigaarka. Dhuumaha shiishadda lagu dhuuqo waxay soo gudbiyaan doroogada loo yaqaano Nicotine oo tubaakada ku jirta, si la mid ah ama ka badan sida uu sigaarku u soo gudbiyo. Sidoo kale, tubaakada Shiishada waxaa loo gubaa ama loo shiddaa si ka daran sida sigaarka loo shido, ka dibne waxay soo dayneysaa qiic ama uuro ka badan midka sigaarka caadiga ah uu soo daayo.

Dhinaca kale, celcelis ahaan qofka wuxuu dhuuqaa Shiishada hal saac iyo wixii ka badan, sidaas darteed halkii saac waxuu celcelis ahaan dhuuqaa ilaa 200 oo jeer, halka xabadkii sigaarka celcelis ahaan la dhuuqaa 20 jeer taasoo ka dhigan tahay in qofka Shiishadda hal mar u fariista uu cabo ilaa iyo 10 xabo oo sigaar ah.

Ugu dambeyn, Uurada ama qiica shiishadda saameeyntiisu aad ayey u badantahay, celcelis ahaan halkii jeer uu qofka u fariisto Shiishad wuxuu qaataa ilaa iyo 90,000 Milliliter (90 Liter) oo qiic ama uuro ah. Dhammaan qodobadaas kor ku xusay waxay muujinayaan qiyas ah in dhuuqista Shiishadu ay la halis egtahay ama ka badantahay cabista sigaarka.

Gunaanad:
Macluumaadka kor ku xusan, dhamaantood waa baaritaanno cilmiyeesan oo laga sameeyay, saameynta ay Shiishaddu ku leedahay caafimaadka aadanaha. Sida aad kor ku soo aqriseen, Shiishaddu halis weyn ayey ku tahay caafimaadkeena, waxay sababi kartaa xanuunno isagu jiro kuwo la daawayn karo iyo kuwo aan la daweyn Karin.

Cuduro badan oo Kasarka (Cancer) ka mid yahay ayey shiishadu sababtaa. Haddaba qiil ama marmarsiinyo ma noqon karto in shiishadu aysan waxyeelo ku lahayn caafimaadka, maanta ayaad ogaatay saameynteeda ee go’aanso inaad iska joojiso, haddii aad isticmaali jirtay.

Wixii tallo iyo Su’aalo ah iigu soo hagaaji ciwaanka hoose;

W/Q: Ismaaciil Farah, waa Saynisyahan ku taqsuusay shaybaarka Caafimaadka una shaqeeya isbitaalka jaamcadda Minnesota ee markeykanak. kala xiriir ciwaanadaan:- idfarah10@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here