Waa maxay Karantiil iyo soocid “isolation” iyo sida saxda ah ee loo dhaqan gelin karo waqtiga COVID-19

0
25

Labada eray ee quarantine iyo isolation waxay ka turjumayaan labo kamid ah tallaabooyinka caafimaadka dadweynaha (public health) ee loo adeegsado ka hortagga iyo xakamaynta cudurada faafa.

Erayga quarantine wuxu ka soo jeedaa afafka Latin ka, macnihiisuna waa afartan (40). Taariikh ayey leedahay waxa erayga afartan laga wado balse hadda waan ka gudbayaa. Quarantine oo aan af-Soomaali ku macneeyey ‘xannibaad caafimaad’ ama ‘karantiil’ waxa ujeedkiisu yahay in qof ama koox dad ah oo looga shakisan yahay in ay la soo kulmeen dad cudur faafa qaba ama ay ka yimaadeen deegaan cudur faafa ku baahay la xannibo inta laga hubsanayo in ay cudurka qabaan iyo in kale. Taas oo lagu ogaanayo sheybaar ama calaamadaha cudurka oo ka soo muuqda dadka. Cudurka COVID-19 waxa hay’adaha caafimaadku ku taliyeen in dadka la karantiilo muddo 14 maalmood ah oo u dhiganta inta ugu badan ee qofka ay kaga soo muuqan karaan calaamadaha cudurka (incubation period).

Erayga isolation oo aan af-Soomaali ahaan ku macneeyey ‘soocid’ ama “keli yeelid” waxa uu ka tarjumayaa tallaabo lagu soocayo dadka laga helo calaamada cudur faafa sida COVID-19 ama sheybaar lagu ogaadey in ay cudurka qabaan. Tallaabadani waxay inta badan leedahay labo ujeeddo oo kala ah in qofku helo daryeel iyo daaweyn, iyo in laga hortago in cudurku dad kale u sii gudbo.

Xannibaadda caafimaadka iyo soocidda ba waxa lagu sameyn karaa qofka gurigiisa ama goobo kale oo loo diyaariyey. Labadan khiyaar midka la qaadanayo waxa ay ku xirantahay awoodda nidaamka caafimaadka, inta ay kala fog yihiin goobta qofku dalka ka soo galay (entry point) iyo gurigiisa, kalsoonida lagu qabo inuu qofku ilaalin karo shuruudaha karantiilka ama soocidda saxda ah, iwm.

Sidee loo suurtogelin karaa xannibaad caafimaad iyo soocid sax ah?

Ujeedka asaasiga ah ee labadan tallaabo caafimaad waa in laga hortago in cudurku faafo. Marka COVID-19 laga hadlayo taasi waxa ay ku iman kartaa qofka oo qof kala ku dhowaada oo ku neefsada ama ay istaabtaan, iyo qof caafimaad qaba oo taabta meel ama shey uu taabtay qof cudurkan qaba. Si taas looga hortago waxa habboon in la qaado tallaabooyinka hoose:

  1. Marka qofka/dadka loo wado goobaha lagu karantiilayo waa in si taxadar leh loo sameeyaa oo dadka kaxaynaya ay taxaddar muujiyaan.
  2. Goobaha karantiilku waa in ay ku qalabaysan yihiin waxyaabaha asaasiga ah si loogu suurto geliyo qofku in aanu la kulmin dhib ka baxsan xorriyad yaraan. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah biyo, cunto, agabka nadaafadda, agab isgaarsiin oo qofku xiriir ku samayn karo. Haddii lagu dari karo agab madadaalo sida television waxa ay qofka ka caawin kartaa in uu waqtiga badan ee uu xanniban yahay qayb isku dhaafiyo.
  3. Dadka xannibaadda ku jira iyo dadka u adeegayaba waa in ay nadaafadda aad u ilaaliyaan. Si looga hortago in goobta gudaheeda ay noqoto meel cudurku ka soo faafo oo bulshada ugu gudbo. Nadiifinta weelka cuntada, guriga iyo meelaha dadka ka dhexeeyaba waa in la waafajiyaa habraacyada (protocols) ka hortagga infekshanka.
  4. Dadku haddii ay karantiil ku jiraan oo aan la hubin in ay cudurka qabaan, waa in iyaga ruuxooda la kala durkiyaa intii suurtogal ah. Maadaama ay adagtahay in la ogaado cidda cudurka sidda waa in laga hortagaa in dadka dhexdoodu ay is qaadsiiyaan.
  5. Adeeg kasta oo caafimaad oo la bixinayo waxa lagama maarmaan u ah in qofka loo adeegaayo uu u hoggaansanyahay (compliance). Si dadka la xannibay ama la soocay ay ula shaqeeyaan adeeg bixiyayaasha, dadkuna ugu dhiirradaan in ay oggolaadaan in la sooco haddii calaamado lagu arko, waa in si aad ah loo tixgeliyaa waxyaabahan:
  • Sharafta qofka: Waa in aan qofka loola dhaqmin sidii dambiile oo kale. Waa in loo fahamsiiyaa in xayiraadda uu ku jiro ay tahay dantiisa, tan qoyskiisa iyo tan dadweynaha; loona muujiyaa debecsanaan iyo soo dhaweyn.
  • Ilaalinta xogta shaqsiga (confidentiality): Xogta caafimaad ee qofka waa in aan sinnaba loola wadaagin cid ka baxsan dadka lagama maarmaanka ah. Qofka oo xogtiisa la baahiyo waxa ay keentaa faquuq, waxa ayna keentaa dadku in ay ka cararaan in ay isbaaraan ama la karantiilo iyaga oo ka baqaya in xogtoodu baahdo. Haddii loo baahdo in xogta qofka lala wadaago cid kale sida qoyska ama asxaabta waa in isaga fasax la weydiistaa ugu horreyn intii suurto gal ah.
  • Fududeynta xiriirka qofka iyo qoyskiisa: Qofka oo laga sooco qoyskiisa waxa ay keentaa welwel labada dhinac ba ah. Si taas hoos loogu dhigo waa in qofka loo sameeyaa wax kasta oo suurto gal ah oo uu ehelkiisa kula xiriirayo, sida in uu telefoon kala hadli karo, haddii uu u baahdo agab in la keeni karo meel cayiman oo kadib ay bahda caafimaadku qofka u gudbin karto, iwm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here