]Faallo] Maxaa laga baran karaa dalka K/Kuuriya sida ey u wajahday cudurka COVID 19

0
130

20 bisha Janaayo,  bukaankii ugu horreeyay ee qaba cudurka COVID19 ayaa laga helay dalka Koonfurta Kuuriya. Muddo bil kadib, tirada bukaannada qaba cudurka aad ayey u kordheen.

Haddaba, billowgii bishii Maarso dalkaas waxuu ahaa dalka labaad ee ugu badan bukaanada qaba cudurka, marka laga ymaado dalka Shiinaha, balse maantay waxuu ku jiraa kaalinta 16aad. Dadka uu cudurka ku dhacay illaa iyo hadda waxay gaarayaan 10,156 bukaan halka geeriduna tahay 177 qof.

Si kastaba ha ahaato, Dowladda Koofur Kuuriya waxay qaaday tallaabooyin farabadan kuwaaso lagula tacaalayo cudurka eyna ka mid yihiin;

  1. Waxay aad u hagaajiyeen nidaamkooda caafimaad oo aad u hufan,  si heersare ah iskugu xiran
  2. In ay meelaha qaar joojiyeen duullimaadyada.
  3. Waxaa la mamnuucay goobaha ey dadku iskugu yimaadaan.
  4. Waxay karaantiileen qofka cudurka qabo iyo dadkii uu la kulmay.
  5. waxaa dib loo raadiyay qof walba oo bukaanka cudurka qaba la kulmay si gaar ahna loola socdo, ka dibne lagu qasbo in guriga uu ka soo bixin, qofkii amarka jabiya la ganaaxo 2500 dollar ah ama laba (2) sano oo xarig ah.
  6. Waxay aad ugu dadaaleen in ay baaraan qofl walba cudurka looga shakiyo, waxayna noqdeen dalka ugu badan ee cudurka COVID19 baaray.
  7. Waxay aad uga hortageen in cudurka ku dhaco shaqaalaha caafimaadka si ka duwan dalalka kale ee dunnida oo cudurka galaaftay xirfadlayaal caafimaad oo fara badan.

Maxaan ka baran karnaa?

  1. In cudurka aan la dhayalsan oo si dhab ah loo qaato, sidoo kale yahay halis dalka ka jirta lana raaco tallooyinka ka imaanayo dowladda iyo xirfadlayaasha caafimaadk sida; Ururka Dhakhaatiirta.
  2. In dowladda dhaxe iyo maamullada dalka ka jira ay si degdeg ah u keenaan qalabka cudurka lagu baaro.
  3. In bulshada aqbalaan jiritaanka cudurka balse eysan u qaadan in cudurku ku yar yahay dalka waayo lama baari karo taasoo sababi karta in loo fahmo iney bukaannad yar yihiin.
  4. In muhimada la siiyo xirfadlayaasha caafimaadka, si wanaagsan loo tababarro si ey naftooda, ehelkooda iyo bulshadaba aanay cudurka ugu gudbin.
  5. In lagula taliyo qofka walba leh calaamadaha cudurka uu si shaqsi ah isku karaantiilo, haddii aanay xaaladdiisu darneyn. Balse, haddii uu adkeysan karin waco xarumaha caafimaad. Ugu dambeyn, inta uusan tagin ha ku wergeliyo calaamadaha haya si ay ugu diyaar garoobaan ama u sheegaan goobta ku habboon.

W/Q: Dr Cabdiraxmaan Cabdikariim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here