Maxaa ka jira in Tallaalka Qaaxadu (BCG) ka hortagi karo ama yarayn karo halista cudurka COVID-19.

0
30

Hordhac:  Xal u raadinta aafadan xannuunka COVID-19 ee aduunkii oo dhan saamaysay ayaa waxay soo noolaysay doodo facwayn oo ku saabsan tallaalka xannuunka qaaxada (tuberculosis) ee loo yaqaan Bacillus Calmette- Guerin (BCG). Cilmi-baadhiso da’wayn ayaa mudooyin hore tilmaamay in tallaalka qaaxadu leeyahay awood uu kaga hortegi karo xannuuno kale oo aan xidhiidh lalahayn qaadaxa; iyadoo taas la tixraacayo ayaa waxa xiligan la baadhayaa bal in tallaalkani covid-19 wax ka tari karo. Tallaalka qaaxada waxa sanadkii 1921, mudo hadda laga joogo hal qarni, hindisay laba saynis yahan oo faransiis ah oo lakala odhan jiray Albert Calmette iyo Camile Guerin.

Tallaalka waxa laga sameeyay bakteeriyo nool laakiin laga saaray suntii ay xannuun ku dhalin lahayd (live attenuated vaccine); bakteriyada oo layidhaa Mycobacterium bovis ayaa asal ahaan waxay sababtaa qaaxada lo’da ku dhacda waxaanay xagga hidde-sidayaasha iska shabbahaan bakteeriyada xannuunka qaaxada ku keenta dadka ee Mycobacterium tuberculosis. Sidaa darteed marka ilmaha lagu mudo tallaalkan, oo sida aynu sheegnay ka samaysan bakteeriyo nool laakin bilaa xannuun-dhaliye ah, waxa tallaalku cariyaa difaaca jidhka isagoo heegan gelinaya dhammaan unugyada jidhka u qaabilsan ka hortaga bakteeriyada Mycobacterium Tuberculosis (TB). Marka bakteriya dhab ah oo xannuun dhaliyaheedii wadataa jidhka soo  weerarto difaacii waa diyaar, si fiican ayaana looga hortagaa oo loo baabiiyaa. Waasidaa sida tallaalkani u shaqeeyaa.

Nasiib wanaag faa’iidada tallaalkani kuma koobna ka hortaga qaaxada oo kali ah. Tallaalkani waxa uu ka mid yahay tallaalada loogu adeegsiga badan yahay aduunka. Sanadkasta tobannaan kun oo caruur ah, gaar ahaan kuwa kunool wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo, ayaa tallaalkan kaga badbaada bukaanimo iyo dhimasho. Tallaalkani waxa uu yareeyay caabuqyada ku dhaca neef-mareenka (respiratory infections), sumowga dhiiga (sepsis), iyo guud ahaan dhimashada caruurta da’doodu ka yartahay hal sano (neonatal mortality) iyo u dhimashada xannuuno aan xidhiidh la lahayn bakteeriyadii loogu talo galay (overall childhood mortality). Faa’iidooyinkan aan la filayn ee ka dhashay tallaalkan qaaxada (BCG) waxa loo yaqaan “heterologous immunity,” waxayna ku qotontaa aragti cilmiyeed aynu maqaalka qaybtiisa danbe ku sharaxi doono.

Aqoonta caafimaadku waxay samaysay horumar aad u wayn labaatankii sano ee ugu danbeeyay, taasi waxay keentay in fahmo in tallaalkan BCG  loo adeegsan karo daawaynta xannuuno aan wax xidhiidh ah la lahayn qaaxada haba yaraatee. Xannuunada ay ka mid yihiin kansarka kaadi haysta (Bladder cancer), noocyo kamid ah kansarka dhiiga, iyo kansarka maqaarka (melanoma) ayaa lagu maareeyaa BCG.

Aynu usoo degno biyadhaca maqaalka. Maxaa soo nooleeyey doodaa faca wayn, waase maxay xidhiidhka u dhexeeya tallaalka qaaxada ee BCG iyo xannuunkan COVID-19?.  Aynu eegno waydiinta ah maxaa soo nooleeyay? Dhowr daraasadood oo aan rasmi loo daabicin ayaa waxay is barbardhigayaan sida xannuunkan COVID-19 ugu faafay dhowr wadan oo dadkooda siiya tallaalkan qaaxada iyo dhowr wadan oo mudo hore tallaalka ka joojiyay dadkooda. Daraasadahani waxay istuseen in xannuunka COVID-19 halistiisa iyo faafidiisuba ay ku badnayd wadamadii tallaalkan hore uga joojiyay bulshooyinkooda, laakiin wadamada tallaalku wali ka socdo, xannuunka COVID-19 faafidiisa iyo halistiisuba, waxa la arkayay, in ay ladifantay. Tusaale, burtaqiiska oo ah wadamada wali adeegsada tallaalka BCG xannuunku waxa uu soo riday 16,000 qof, dhimashaduna waxay ahayd 535; halka isbayn xannuunka COVID-19 uu soo riday 169,000 qof, dhimashaduna tahay 17,000 (tirakoobkani waxa uu sax ahaa 13-April 2010).

Culimada ku doodaysa in tallaalka Bacille Calmette Guerin (BCG) leeyahay awood muctabar ah oo uu ku yareeyo faafida xannuunka COVID-19 isla markaana uu ku yareeyo halista xannuunka waxay daliishanayaan xaqiiqooyin laga bartay habka difaaca jidhkeenu u shaqeeyo. Laba erey bixinood ayaad in badan lakulmi doontaa hadii aad is tidhaa wax ka akhri maqaalo cilmi-yeedka ilaa hada laga qoray mowduucan kusaabsan tallaalka qaaxada iyo covid-19. Labadaa erey bixinood oo kala ah “Trained Immunity” iyo “Heterologous Immunity” ayaynu si kooban halkan ugu sharaxi doonaa si akhristaha ugu fududaato in uu fahmo xidhiidhka ka dhexeeya tallaalka BCG-ga iyo xannuunkan COVID-19 ee aafada noqday.

Waa maxay trained immunity?

Cilmiga difaaca jidhka ee la yidhaa Immunology waxa uu aaminsan yahay in difaaca jidhkeenu ka kooban yahay laba qaybood oo waawayn. Qayb la yidhaa Innate immunity oo ah difaaca safka hore. Unugyada qaybtani waxay ka hortagaan dhammaan wixii xannuun dhaliye ah ee jidhka soo weerara (they defend against all invading pathogens) umana kala soocna fayrasyada iyo bakteeriyadu sidaa darteed malaha takhasus gaar ah, mana yeeshaan xasuus raagta, howl-galkooduna waa degdeg (fast action, nonspecific response, memoryless). Tallaalka BCG waxa la ogaaday in uu unugyada Innate Immunity-g u yeelo xasuus guud oo ay ku gartaan xannuun dhaliyeyaal ay ka mid yihiin fayrasyo ay isku qoys yihiin SARS-CoV-2.  Xasuustan cusub ee tallaalku keenay ayaa layidhaa “Trained Immunity” waana arinta la quud daraynayo in ay wax ka tarto kahortaga COVID-19.

Waa maxay Heterologous Immunity?

Qaybta labaad waxa la yidhaa Adaptive Immunity waa difaaca dufcada labaad waxa uu ka dhashaa marka unugyada difaacu bartaan xannuun dhaliyaha ee kadibna isku diyaariyaan. Adaptive immunity waxa lagu kasban karaa tallaal ama in xannuunku qofka mar ku dhaco oo uu marka labaad u diyaar garoobo. Adaptive immunity waxa astaan u ah inuu gaabis yahay, xasuus dheer u yeesho xanuun dhaliye yaasha isla markana u gaar yahay uun xannuun dhaliye keli ah. Sidaa ayaa hore loo aamin sanaa; laakiin waxa la dhawaan la ogaaday in tallaalka BCG uu adaptive immunity-ga ka dhigi karo in uu xasuusto kana hortago xannuun dhaliyeyaal aan hore u soo marin. Daahfurkan cusub waxa lagu magacaabaa Heterologous immunity.

Marka aynu soo koobno tallaalka qaadaxa ee BCG labadii garab ee difaaca jidhkaba si wayn ayuu wax uga bedelay waxaanu kusoo kordhiyay awoodo cusub oo aanay hore u lahayn. Awoodahaas oo la rabo in la hubsado bal in ay wax ka tari karto faafida fayraska SARS-CoV-2, yarayn kartona halista COVID-19.

Majiraan wax tijaabooyin ahi?

Natiijada mutuhiska ah ee kasoo baxda Isbarbar dhig lagu sameeyay dhowr wadan noqon mayso xaqiiqo cilmi ah, sidaa darteed ayaa ugu yaraan lix dal ayay kasocdaan daraasado rasmi ah oo lagu baadhayo in tallaalka qaaxada ee BCG uu awood u leeyahay in uu ka hortago xannuunka COVID-19.

Yaase ugu habboon ee daraasadahan lagu tijaabiyaa ee ka ahayn shaqaalaha caafimaadka. Mac-hadka Murdoch Childrens Research Institute, oo kuyaal Melbourne, Australia, ayaa noqday xaruntii ugu horeysay ee shaqaalaheeda caafimaad ku tijaabisa tallaalka BCG bal in uu ka ilaaliyo xannuunkan COVID-19. Daraasad nooceedu yahay “Randomised controlled trail” ayaa waxa ka qayb gelaya 4170 qof oo shaqaale caafimaad ah; dadkaas waxa qayb kamid ah lagu turqi doonaa tallaalka, qaybna waxa ay kushaqayn doonaan qalabka imikaba la isku ilaaliyo. Waxa la eegi doonaa in kuwa tallaalka qaatay ay ka adkaysi bataan kuwa aan qaadan.

Daraasadan oo kale waxa laga wadaa Jaamacada Radboud University, Netherlands oo ay ka qayb gelayaan 1500 oo shaqaale caafimaad ah. Daraasad saddexaad oo ay iska kaashadeen Harvard school of medicine iyo Texas A&M University  oo ay ka qayb gelayaan 1800 oo shaqaale caafimaad ah ayaa iyana ka socota dalka maraykanka. Saddexdaa cilmi-baadhisood iyo qaar kale oo kasocda masar  iyo israa’iil waxay baadhayaan bal in ay dhab tahay awooda la sheegay in uu leeyahay tallaalka qaaxadu ee uu ku caabiyo caabuqa ay dhaliyo fayraska SARS-CoV-2. Jawaabta kama danbaysta ah waxay kasoo bixidoontaa daraasadahaa socda hadii la xaqiijiyo in tallaalkani caabiyi karo COVID-19 waxay noqon doontaa tallaabo wayn oo loo qaaday xaga loodinta COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here