Markii ugu horeysay ayaa Shaqaale caafimaad u geeriyooday cudurka COVID19

0
51

Qofkii kowaad ee ka tirsan bahda caafimaadka Soomaaliya ayaa u geeriyooday cudurka COVID19. Bukaanka oo 25 sano jir dhedig ah taaso ka howgali jirtay mid ka mid isbtaalada gaarka loo leeyahay ayaa calaamadaha cudurka lagu arkay maalintii isniinta la soo dhaafay taariikhda aheyd  20 Abril, balse isbitaalka la jiifiyay maalintii khamiista 23 abril.

ilaa iyo hadda, 72 shaqaale caafimaad oo ku sugan Soomaaliya ayaa laga helay cudurka COVID19, sida ku xusan xogta ey heyso Somalihealth.

Soomaaliya tirada dadka u dhintay cudurka COVID19 ayaa gaareysa 18 bukaan.

Dhinaca kale, tan iyo markii la xaqiijiyey bukaankii ugu horreeyay ee qaba cudurka COVID19 bishii Maarso 16keeda, waxaa la diiwaan geliyay 390 bukaan oo qaba cudurka halka ay ka bogsadeen ay 12 bukaan kuwaasoo dhameystay muddadii karantiilnimada ee 14 maalmood ahayd.

AKHRISO: [Faallo] Badqabka Shaqaalaha caafimaadku waa furaha gurmad mirodhala!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here