Ma sax baa in xalka cudurka COVID-19 Soomaaliya uu yahay in uu ku dhaco 60% dadweynaha?

0
47

Waxan baraha bulshada ku arkay video iyo qoraalo ku doodaya in xalka keli ah ee ay Soomaaliya kaga bixi karto dhibaatada cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu yahay in uu ku dhaco 60% bulshada si loo gaaro difaac-meesi (herd immunity). Haddaba waxan halkan ku soo gudbinayaa aragtidayda waxa ka saxan ama ka khaldan dooddaas.

Ugu horrayn, erayga (herd immunity) oo aan af-Soomaali ahaan ku macneeyey “difaac-meesi” wuxuu ka tarjumayaa marka bulshadu ay yeelato difaac wadareed hoos u dhigaya faafidda cudur saf-mar ah. Maaha in gebi ahaanba cudurku tegayo balse faafiddiisa ayaa aad u yaraaneysa ilaa uu ka dabar go’o. Arrintan waxa ay ku qotontaa aragtida ah: si cudur u faafo waa in qof kasta oo cudurka qaba uu u gudbiyaa ugu yaraan hal qof oo cusub ama ka badan. Inta qof oo halkii xaalad ee cudurka ah u gudbin karto waxa la yiraahdaa “reproduction number” ama “tiro-taran”. Haddaba, si cudurka faafiddiisa hoos ugu dhacdo waa in tiro-tarankiisu ka hoos martaa 1 qof (waa in qofka cudurka qabaa uusan qaadsiin wax ka badan 1 qof celcelis), waxaana arrintaas marka la gaaro la yiraahdaa “herd immunity threshold” ama bilowga difaac-meesida.

Waa imisa difaac-meesi da loo baahanyahay in la gaaro si COVID-19 faafiddiisu ugu yaraato Soomaaliya?

Gaaridda difaac-meesidu waxay ku xiran tahay tiro-taranka cudurka. Tiro-taranka cudurkuna waxay ku xiran tahay hab nololeedka bulshada (social context). Daraasaddii ugu horreysey uguna faahfaahsanayd ee la xiriirta tiro-taran ka COVID-19 waxa laga sameeyey magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii labaad ee sannadkan. Waxana lagu qiyaasay in ay u dhaxaysey 2 ilaa 2.5. Taas macneheedu waa qofkasta celcelis wuxu cudurka qaadsiiyey 2 ilaa 2.5 qof (xisaab ahaan).

Bilowga difaac-meesida waxaa lagu helaa qaacido ah 1 – 1/R0, iyada oo R0 ay u taagantahay tiro-taran. Sidaas daraadeed, bilowga difaac-meesida Wuhan waxa lagu gaari karey 1 –½ ilaa 1 – ½.5 oo la mid ah 50% ilaa 60%. Waa meesha ay ka timid hadal haynta ah in uu ku dhaco 60% bulshada.

Soomaaliya iyo Wuhan maxay ku kala duwan yihiin?

Marka la xisaabinayo tiro-taranka cudurka, waxaa laga tixraacaa tirada dadka isku guriga ku nool ee cudurka is qaadsiiya (household contacts). Dalka shiinaha waxaa celcelis gurigiiba ku wada nool dad aan ka badnayn 3 ama 4 qof, halka Soomaaliya celcelis qoysasku ka badan yihiin 6 xubnood ayna yihiin dad is booqda oo aad isu dhexgala. Taas macneheedu waa haddii qofka Wuhan ku nool ee qoys 3 qof ka kooban uu celcelis 2 kamid ah cudurka qaadsiiyey, qofka Soomaaliga ah ee qoyskiisu ka kooban yahay 6 qof wuxu qaadsiin karaa 4 ama 5 qof ugu yaraan.

Maxay noqon kartaa difaac-meesi da Soomaaliya u baahan tahay?

Marka qaacidada kore loo isticmaalo, difaac-meesida Soomaaliya u baahan tahay waxa ay noqoneysaa 1 – 1/4 ilaa 1 – 1/5 oo noqoneysaa 75% ilaa 80%. Macnuhu waa in cudurku ku dhaco ugu yaraan 80% bulshada si uu u BILAABO in uu dabar go’o.

Fiiro gaar ah. Difaac-meesidu waxay wax ka tartaa cudurka haddii qof kasta oo uu ku dhaco ee ka bogsada jirkiisu ka samaysan karo difaac raaga. Cudurka COVID-19 in qofka uu ku reebi karo difaac muddo dheer ah weli khubarada caafimaadku ma xaqiijin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here