Isbitaalka De Martiini oo loo magacaabay Agaasime cusub

0
66

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Abiikar ayaa ku-simaha Agaasime u magacaabday Isbitaalka De Martiini ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka ayaa waxaa ku-simaha agaasimaha Isbitaalka De Martiini loogu magacaabay inuu noqdo Dr Ibraahim Xuseen Cali, isagoo bedelaya  Agaasime k/xigeen hore Dr Caasho Daauud Ibraahim.

<div id=”buzzsprout-player-3622753″></div>
<script src=”https://www.buzzsprout.com/1063543/3622753-dhageyso-casharka-6aad-oo-ku-saabsan-cudurka-covid-19.js?container_id=buzzsprout-player-3622753&player=small” type=”text/javascript” charset=”utf-8″></script>


“Kadib markii aan garwaaqsanay in baahi weyn loo qabo in la helo shaqaale aqoon iyo kari u leh howlaha loo idmaday, waxaa u magacaabay xilka soo socoda Dr Ibrahim Xuseen cali, ku-simaha Agaasimaha Howlaha Caafimaad Isbitaalka De Martiini”, sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka.

Dr Ibraahim Xuseen Cali ayaa ka mid ahaa 10 dhakhaatiir oo kasoo wareegay isbitaalka Somali Mogadishu-Türkiye halkaasoo ey gurmad caawin u tagay isbtaalka De Martiini.

Todobaadkii hore, Agaasimaha Isbitaalka De Martiini ayaa xaalad caafimaad darro loogu qaaday dalka dibaddiisa kadib markii laga helay cudurka COVID19. Dr Abdiaziiz Ibraahiim, agaasimaha isbitaallka ayaa asagane u magcaabay Dr Caaho Daauud ku-sime Agaasime taariikhda marka ey aheyd 15 bishaan April.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here