Faallo: Sayniska ka dambeeya Istiraatijiyadaha kala duwan ee dunnidu ku wajahayso cudurka COVID-19

0
27

an iyo markii uu cudurka COVID-19 ka dillaacay waddanka Shiinaha dhammaadkii 2019, dowladaha caalamku waxa ay dhaqan gelinayeen istaraatijiyado kala duwan oo ay ku xakamaynayaan faafidda cudurkan. Waxa laga yaabaa in la is weydiinayo cilmiga ka dambeeya tallaabooyinka ay dowladuhu qaadayaan. Haddaba waxan maqaalkan ku soo gudbinayaa macluumaad asaasiga u ah ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada faafa ee safmarka ah. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa istiraatijiyadaha dhowr waddan ilaa hadda isticmaalayaan. Ugu dambeynna waxan ku gabo gabeyndoonaa fikirkayga ku aaddan dalalka Soomaaliya la mid ka ah istaraatijadaha ku habboon.

Marka cudur faafa oo cusub uu soo galo bulsho waxa dadku u qaybsamaa saddex kooxood:

1)     Kooxda koowaad waxa Afka Ingiriiska lagu yiraahdaa Susceptible (S) oo laga wado dad u nugul oo aan difaac ka lahayn cudurka. Marka aynu fiirino cudurka COVID-19, maadaama uu xayawaan ka yimi oo inta la ogyahay aanu horay bini’aadam ugu dhicin, waxa lagu qiimeeyey in qof kasta oo bini’aadam ah uu ku dhici karo (S=100%). Tan macneheedu maaha in uu qofkasta calaamado yeelanayo ama u soo ridanayo cudurkan, balse waa in qofku uu ugu yaraan feyruuska inta jirka ku qaado uu qof kale u gudbin karo. Arrintani waa hab fikirka ka dambeeya in waddamo badan ay fasaxaan iskuulada iyo xannaanooyinka carruurta, inkasta oo ilaa hadda la xaqiijiyey tirada carruurta cudurkan si daran ugu xanuunsan karta in ay aad u yartahay, haddana waxa laga taxaddarayaa in caruurtu ay cudurka qaadaan oo guryaha ugu gudbiyaan dad u nugul in ay u jiifsadaan ama uu dilo.

2)     Kooxda labaad waxa la yiraahdaa Infective (I), waana dadka markaas cudurka qaba oo faafinaya. Waxa ay ku bilowdaan hal qof ama dhowr qof, kadibna haddii aan la xakamayn waxa ay noqdaan dad badan, tiraduna si joogto ah u jibbaaranto (exponential growth).

3)     Kooxda saddexaad waa Recovered (R) oo ah dadka inta cudurku ku dhacay ka bogsaday. Bilowga fididda cudurka tiradani waa eber (0), maadaama aan cid weli ka bogsan. Dabcan dadka qaar ayaa dhiman kara oo aan kooxdaan ku biireyn. Sidoo kale si cudurku u hakado waxa muhiim ah dadka ka bogsada in ay difaac u yeeshaan (immunity).

Dhanka difaaca (immunity), cudurrada faafa waxa loo qaybiyaa saddex:

Kuwa qofka ka bogsada ka samaysto difaac adag oo ay ku adag tahay in ay mar kale ku dhacaan (neutralizing immunity). Kuwan waxa ka mid ah cudurka jadeecada (measles). Waa sababta ay dadka waaweyn ugu yartahay, waayo ama waa laga tallaalay ama horay ayey carruurnimadoodii ugu dhacday.

Kuwo kale qofku ka sameysto difaac qayb ahaaneed (partial immunity) waxana ka mid ah duumada (malaria), iyo hargabka. Waa sababta dadka dalalka Afrika ee duumadu ka jirto ku nool uga adkeysi badan yihiin dadka ku nool, tusaale ahaan, qaaradda Yurub ee aaney weligood ku dhicin. Waana sababta hargabku aanu dadka badankiis xanuun culus ugu noqon.

Kuwa saddexaad waa kuwo aan difaac laga samaysan karin. Waxa kuwaas ka mid ah feyruuska HIV.

Haddaba cudurka cusub ee COVID-19 kuwee lagu tirinayaa? Qiimaynta khubaradu waxa ay ku rajo weyn yihiin in uu yahay labada hore midkood. Mid qofka aan dib ugu dhacayn, ama haddii uu mar labaad ku dhaco ka sahlanaan doona markii hore. Hayeeshee, cilmi baaristu weli waa socotaa, nooca uu noqdo na waxay saameyn ku yeelanaysaa dadaallada lagu baadigoobayo tallaal ama daawo xal waara u noqda cudurkan. Tusaale, haddii uu noqdo mid jirka ay ku adagtahay in uu difaac ka samaysto sida HIV ga oo kale, waxa ay fogeyn doontaa helidda tallaal, waxana xoogga la saari doonaa helidda dawooyin cudurka wax ka qaban kara.

Sida sawirka lifaaqa ka muuqata, marka xanuun cusub oo faafa soo galo bulsho wuxu ku bilowdaa dad yar oo qaba, fidinayana (Infective); dadka intiisa kale oo u wada nugul (Susceptible); mana jiraan dad ka bogsadey (Recovered). Haddii aan faro gelin ama xakamayn lagu sameyn wuxu ku dhammaadaa dadkii oo uu badankoodii ku dhacay oo noqday wax u dhintay ama bogsadey (Recovered). Waxana soo gaba gabooba dadka u nugul (Susceptible) iyo dadka qaba ee fidinaya (Infective). Bulshaduna waxay yeelataa difaac guud (herd immunity) oo xattaa haddii ay hareen dad cudurka ka badbaadey waxa yaraada jaaniska ay ku qaadaan sababta oo ah waxa ku xeeran dad badan oo cudurka ka bogsadey (Recovered), difaacna ka sameystay oo aan cudurka qaadsiineyn, una ilaalinaya sida xayndaabka oo kale.

Haddaba suurtogal ma tahay in cudur safmar ah la xakameeyo ama la cirib tiro isaga oo aan si dabiici ah u marin marxaladaha kor ku xusan?

Jawaabtu waa HAA. Haddii la helo daawo, cudurka waxa loo ogolaan karaa in uu dadka ku dhaco, qofkii u xanuunsadana laga daweeyo. COVID-19 weli daawo looma helin. Sidoo kale haddii tallaal la helo, waxa la siin karaa dad badan iyada oo la abuurayo (herd immunity), dadka badankoodna la mid noqonayaan sidii dad cudurku ku dhacay oo difaac ka samaystay (Recovered). COVID-19 weli tallaal looma hayo, in loo helaana waxa ay qaadaneysaa bilo ama sannado.

Mar haddii aan daawo ama tallaal midna loo hayn, istaraatijiyado ama farogelino noocee ah ayaa wax ka beddeli kara safmarnimada dabiici ga ah ee COVID-19?

Istaraatijiyad kasta oo lagu xakamaynayo cudur sida COVID-19 si fudud u faafaya waxa ay leedahay culaysyo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. Hoos waxan ku sharraxayaa istiraatijiyado kala duwan oo la qaaday dunida ama la qaadi doono iyo is barbar dhiggooda:

Tallaabada ugu wanaagsaneyd waxa la qaadi karey markii uu cudurkan ka bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. Haddii si degdeg ah loo heli lahaa xaaladihii ugu horreeyey, la daweyn lahaa, lana karantiili lahaa inta feyruusku jirkooda ka dhammaanayo, sidoo kale na laga takhalusi lahaa xayawaannada duurjoogta ah ee looga shakisanaa in cudurkan ka yimid. Nasiib darro taas ma dhicin oo isu socodka aad ka u badan wuxu ka dhigay cudurkan mid aad ugu faafa magaalada Wuhan, isla markaana u tallaaba gobollada kale ee dalka Shiinaha iyo daafaha caalamka.

Dalka Shiinuhu wuxu qaaday tallaabadii xigtey ee ugu macquulsanayd. Wuxu karantiil geliyey oo dhammaan dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga aan asaasiga ahayn ka joojiyey qaybo ka mid dalka oo ay ugu muhiimsanayd magaalada Wuhan. Ogsoonow “cudur faafa” wuxuu u baahanyahay in la isu gudbiyo. Haddii la kala fogeeyo dadka (social distancing) muddo ku filan in qof kasta oo xanuunsan oo bulshada ka mid ah uu ka caafimaado, cudurkaas wuu dabar go’ayaa isaga oo aan weli si safmar ah dadka badankiis u wada marin. Istaraatijiyada Shiinuhu dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba aad ayey u xanuun badnayd, oo dad badan ayaan muddo toddobaadyo ah shaqo tegin ama arag ehelladooda. Has ahaatee, guul ayey ka gaareen oo cudurku wuu ka sii dabar go’ayaa dalkooda.

Dhanka kale, dalka Shiinaha waxa haysata caqabad hor leh. Dadka intoodii badnayd cudurku kuma dhicin oo difaac kama samaysan, daawo iyo tallaal toonna ma hayo, cudurkiina dunida badan keeda ayuu ka jiraa oo wuxu halis ugu jiraa in dib uu Shiinaha u soo galo oo faafo. Waa ku adag tahay dowladda in ay mar kale magaalooyin dhan cunaqabatayn saarto, sidaas darteed waxa ay qaateen istaraatiijiyad cusub oo ah in qof kasta oo dibadda uga yimaada la karantiilo 14 beri oo ah muddada ugu dheer ee ay ku qaadan karto qof feyruuska sida in uu calaamadaha cudurka COVID-19 yeesho. Arrintan dambe waxa ay leedahay xanuun dhaqaale, maadaama ay aad u yaraanayaan duulimaadyadii, dalxiiskii, i.w.m. Balse waa ka sahlan tahay dhibaatada naf iyo dhaqaale ee ka dhalan karta cudurka oo dib ugu baaha dalka Shiinaha.

Waxaa cajiib ah sida dalka Shiinuhu muddo labo bilood gudahood ah uu giraanta u wareejiyey, oo halka markii hore laga feejignaa in dadka Shiinaha ka yimaadaa ay cudurka dunida ku faafiyaan, maanta Shiinuhu ka feejigan yahay in dadka caalamka uga imaanaya ay cudurka soo geliyaan!

Istaraatijiyad taa ka duwan waxa qaatay qaar kamid ah dalalka Yurub sida Boqortooyada Ingiriiska. Ugu horreyn waxa ay isku dayeen in ay cudurka ka hor tagaan iyaga oo kula talinayey dadka ka soo safraya dalalka cudurku ku faafay in ay guryohooda isku karantiilaan, balse markii arrintaas ay shaqeyn weydey cudurka COVID-19 na uu sii fiday waxa ay qaateen istaraatijiyad ku qotonta in la oggolaado in dadka cudurku tartiib tartiib ugu dhaco (flattening the curve) , iyada oo la ilaalinayo in tirada dadka uu soo ridanayo aaney ka tan badan cusbitaalada. Taas waxa ay is lahaayeen waxa aad ku gaari kartaan idinka oo dadka siinaya talooyin ah in ay gacmaha nadiifiyaan iyo in ay yareeyaan isu-imaatinka qaarkiis.

Ingiriisku muxuu istaraatijiyaddaa u qaatay oo sida Shiinaha magaalooyinka u karantiili waayey?

Marka laga tago farqiga u dhexeeya bulshooyinka iyo dowlada Shiinaha iyo dalalka Yurub oo ah in, si ka duwan Shiinaha, ay adag tahay in bulshada lagu qasbo in aaney dhaq dhaqaaq sameyn. Haddana istaraatijiyada Ingiriisku waxa ay leedahay faa’iidooyin: kow, culayska dhaqaale ay leedahay waa yar yahay maadaama dadku ay socon karaan, shaqaysanna karaan. Labo, maadaama aan cudurkan daawo iyo tallaal loo hayn weli, mustaqbalka dhow sida keli ah ee dhibkiisa looga gudbi karaa waa isaga oo ku dhaca dad badan, kuwaas oo sida in la tallaalay oo kale difaac yeesha, dadka harayna iyagu xayndaab u noqda (herd immunity). Haddii taas Ingiriiska iyo dalalka la mid ka ah ay ku guuleystaan, uma baahnaan doonaan in ay mamnuucaan dadka ka soo safraya dalalka cudurku ku harsan yahay- maadaama bulshadoodu ay difaac ka leedahay. Arrintaan dhaqaale ahaan mustaqbalka waa u fiican tahay dalalka istaraatijiyaddan qaatay.

Istaraatijiyadda Ingiriiska iyo qaar kamid ah dalalka Yurub waxa ay sahlatay xawliga cudurkani ku faafi karo iyo tirada badan ee dadkooda waayeelka u badan ee uu dili karo. Sidaas daraadeed waxaa ka dhashay dad badan oo aad u xanuunsan oo cusbitaalladii buux dhaafiyey iyo dhimasho aan yareyn. Tan waxa ay keenaysaa amaba keentay in dalalkaas ay adkeeyaan kala fogeynta dadka (social distancing), ama karantiilka si ay hoos ugu dhigaan xawaaraha cudurkani waddammadaas ku marayo.

Waddamada aan xaaladaha cudurka COVID-19 lahayn ama ay aad ugu yar yihiin istiraatijiyad noocee ah ayaa waqtigan ku habboon, gaar ahaan Soomaaliya?

Soomaaliya ma leh nidaam xoog leh oo caafimaad (strong heath system) oo ma awooddo istiraatijiyadda Ingiriiska oo kale. Sidaas daraadeed waa in aan la qaadan wax jaanis ah oo uu cudurkan cagta ku soo dhigayo dalka.

Istaraatijiyadda ugu wanaagsan waa in la joojiyo suurtogalnimada in ay dalka soo galaan dad qaba cudurkaan iyada oo la hakinayo isu socodka dibadda inta uu hoos u dhacayo faafidda COVID-19 ee caalamka, ama laga helayo tallaal ama daawo.

Soomaaliya sidoo kale ma leh nidaam baadigoob xooggan oo si fudud loogu ogaan karo in xaalado bulshada dhexdeeda ka jiraan (surveillance), taas waxaa sii adkayneysa xaddidnaanta awoodda baaritaan ee cudurka COVID-19 (laboratory testing) oo xattaa ciriiri ku ah dalalka horumaray sida Maraykanka. Sidaas daraadeed, waa in kor loo qaado tallaabooyinka ka hortagga sida in dadka lagu wacyi geliyo in ay gacmaha markasta dhaqaan, aadna loo yareeyo isu-imaatinnada (social distancing), si haddii ay jiraan xaalado qarsoon ay u dhammaadaan ka hor inta aaney bulshada ku dhex faafin (community transmission).

Dabcan ma fududa in dal sida Soomaaliya sabool ah oo ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda ay airport-yadu ka mid yihiin uu iska xiro isu socod. Balse sida aan kor ku xusay, istaraatijiyad kasta culeys dhaqaale iyo mid bulsho ayey leedahay. Haddii la dulqaato inta cudurkan uu dunida ka yaraanayo ama xal waara loo helayo, aad ayey u fududaaneysaa in dib isu socodku u soo noqdo. Dhanka kale, haddii cudurkan jaanis loo siiyo in uu dalka soo galo, waxa hubaal ah in uu waqti badan ku jirayo, dhibaato dhaqaale iyo mid nafeedna geysanayo oo ay ka mid tahay in giraantu wareegto, oo dalal hadda Soomaaliya ay diideyso in looga soo safro ay mustaqbalka dhow diidi doonaan in dadka Soomaaliya joogaa u safraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here