[Faallo] Miisaaniyadda caafimaadka Soomaaliya sanadka 2020

0
606

Dhaqaalaha caafimaadka oo liita waa mid ka mid caqabadaha ugu waa weyn ee haysta hannaanka caafimaadka Soomaaliya. Haddaba, mudnaan siinta dhaqaalaha ku baxa caafimaadka waxay lagama maarmaan u tahay hannaanka iyo horumarinta caafimaadka.  Haddiii aan mudnaan la siin, ma jirto shaqaale caafimaad la shaqaaleysiin karo, daawooyin ama qalab caafimaad la iibin karo iyo sidoo kale, daryeel caafimaad la gaarsiin karo bulshada.

Soomaaliya, illaha dhaqaalaha caafimaadka waxa ey ka yimaadaan, illo kala duwan sida: miisaaniyada dowladda, dadka oo jeebkooda ka bixiya daryeelka caafimaadka iyo deeq-bixiyayaasha.

Haddaba, labadda golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2020 ee dowladda federaalka. Wadarta guud ee miisaaniyadda ayaa ah $476,150,903. Wasaaradda Caafimaadka ayaa loo qoondeeyay miisaaniyad gaareysa $9,306,883 malyan (ama 1.9% boqolkiiba) sannadkan 2020, taasina waxay aad ugu hooseysa Baaqa Abuja, oo ay waddamada Afrika ku balan qaadeen yoolka ah in kharashaadka caafimaadka la gaarsiyo ilaa boqolkiiba 15%, si loo hormariyo heerka hannaanka caafimaadka.

Miisaaniyadda sanadka 2020-ka Ee Hay’adaha Dowladda

Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa ah dalka ugu yar qarashka ku bixiya daryeelka caafimaad qofkii, waxaana ku baxdo $33 qofkiiba, sida lagu xusay daraasad lagu daabacay Wargeyska The Lancet. Tani waa mid aad ugu hooseysa marka la barbar dhigo dalalka bariga Afrika, oo kala noqonaya: Ethopia $85 qofkii, Eretria $59 qofkii, K/Sudan $94 Qofkii, Kenya $197 qofkii, Djibouti $357 qofkii iyo Sudan $334.

Jaantus muujinaya heerka Soomaaliya ee kaga jirta adduunka daryeelka caafimaad qofkii

Halbeega seddexaad oo lagu cabirio dhaqaalaha caafimaad ayaa ah; tirada qarashka uu qofku uu bixiyo si u hello daryeel caafimaad (out-of-pocket payments). Soomaaliya, qiyaas sugan lagama hayo, balse, qiyaasta Baanka Adduunku wuxuu muujinayaa in dhaqaalaha caafimaadka uu shaqsiga bixiyo ey tahay 100%. Qiyaastaas oo aad u sarreysa ayaa abuurri karta halis dhaqaale si loo helo adeegyada caafimaadka, sidoo kale,  waxa ayna dadka u  u horseedi kartaa halis saboolnimo baaxad leh.

Dhaqaalaha ka yimaada deeq-bixiyaasha, ma ahan mid la sadaalin karo

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka wasaaradda caafimaadka ay si weyn u maalgaliyeen deeq-bixiyeyaasha. Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) wuxuu muujinayaa in meelaha lama huraanka ah ee waaxda caafimaadka ay si weyn u maalgaliyeen deeq-bixiyeyaasha, 92% wadarta miisaaniyada caafimaadka waxay ka timid gargaarka dibadda sanadka 2017.

Si kastaba ha noqotee, dhaqaalaha ka yimaada deeq-bixiyeyaasha waa kuwo aan la saadaalin karin waayo? inta badan dhaqaalaha waxa ay si toos iyo si dabdan u siiyaan hey’adaha caalamiga iyo kuwa gudaha oo ka shaqeeyay daryeelka caafimaadka.

Haddaba, saadaalin la’aanta dhaqaalaha ka yimaada deeq-bixiyaasha waxa ay horseedi kartaa in mudnaanta la siiyo adeegyo aan waxtar lahayn kuwaaso soconaayo muddo gaaban.

Shaxda muujineysa hannaanka deeq-bixiyaasha u maalgaliyaan caafimaadka Soomaaliya.
Qorshaha Horumarinta Qaranka, sida loogu qoondeeyay barnaamijyada dowaladda

Kobcinta miisaaniyada dhaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya

Dhammaan halbeegyada kor ku xusan oo lagu cabiro dhaqaalaha caafimaadka waxay tilmaamayaan in ey xadka ka baxsan yihiin, haddii aan la xalin waxay keeni karaan dib-u-dhacyo culus oo ku yimaada daryeelka caafamadka Soomaaliya, iyo weliba unug lahaansho saboolnimada ka timaada dhaqaalaha caafimaad

Sidaa awgeed dhammaan dadyowga ku lugta leh siyaasadda caafimaadka Soomaaliya, sida; wasaaradda caafimaadka, ururada caafimaadka  waa in ay la yimaadaan siyaasaddo lagu kordhinayo maalgelinta daryeelka caafimaadka. Daraasad ayaa cadeyneysa haddi la kordhiyo misaaniyada caafimaad dowladaha in ey yaraaneyso dadka dhaqaalaha caafimaadka jeebkooda ka bixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here