[Faallo] Cudurka Covid-19 oo cashar CIRBO qaadasho ah u dhigay madaxda qaaradda Afrika

0
35

Safmareenka koronafayras (coronavirus) ayay dhici kartaa in uu soo gaabin karo hal dhinac sinnaanta la’aanta ka jirto Afrika, halkaas oo madaxda Afrika iyo kuwa ladani diyaarado u raacaan Yurub iyo Eeshiya ayaga oo daryeel caafimaad u socda, kaas oo aan dalalkooda laga heli karin.

Ayada dalal badan oo kuwa Afrika ku jiraan ay soo rogeen xanninaad socdaal, kuwii dibadda caafimaadka u raadin jiray dadkooda ayay wax la qabi doonaan.

Gu’yaal badan ayaa madaxda Benin iyo Zimbabwe daryeel caafimaad dibadda u aadayeen halka nidaamka caafimaadka ee dalalkoodu la daalaadhacayeen lacag la’aan. Dhawr madaxweyne oo ay jiraan kuwii Nigeria, Malawi iyo Zimbabwe ayaa dibadda lu dhintay.

Dhaqankaan fongoran ayaa mid caadi ka ah qaaradda Afrika.

Dhawr sano ka hor Aaron Motsoaledi, wasiirka caafimaadka Koofur Afrila ayaa ku qayliyay “waxaannu nahay qaaradda kaliya ee madaxdeedu dibadda daryeel caafimaad u raadsadaan, meel ka baxdan dalkoodi hooyo. Waa in aan ceebsanno,” ayuu yiri.

Hadda, mawjado xannibaado ah ayaa halis galinaya dookhaas madaxda Afrika ee gabowday. In ka badan 30 ka mid ah 57 garoon oo caalami ah oo qaaraddu leedahay ayaa irdaha loo laabay ama si daran loo xaddiday duullimaadyadooda, Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay. Halka webabka flight trackers-ku muujiyeen hawada qaaradda oo maran.

“COVID-19 waa fursad u bidhaantay madaxdeenna sidii ay dib ugu milicsan lahaayeen ahmiyaddooda,” ayuu yiri Livingstone Sewanyana oo ka mid ah Foundation for Human Rights Initiative, taas oo muddo fog madaxda Afrika ugu baaqaysay in ay kordhiyaan miisaaniyadda daryeelka caafimaadka.

Balse taas dhago duleela kuma dhicin si walba oo qaaraddu u la lagdamaysay muusiibooyin waa wayn sida Ebola, Malaria iyo HIV.

Miisaaniyadda daryeelka caafimaadka ee qaaraddu waa 5% wax soo saarka gudaha taas oo ah kala badh tan dunida. Ayada oo Midowga Afrila ballanqaaday kor u qaadidadda dakhliga caafimaadka 2001 haddana marar badan ayaq dakhligaas loo leexiyay ammaanka ama afkaba loo dhigtay, iyo gabaabsiga oo caadi iska ah.

Itoobiya waxa ay lahayd 3 sariir-isbitaal 10,000kii kun oo qofoodba 2015, sida ku ka cad dhaatada (DATA) WHO, halka Maraykanka iyo Yurub leeyihii  daraasiin ama ka badan.

Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika 3 ventilators oo kaliya ayaa dalka oo dhan yaalla. Halka Zimbabwe dhaqaatiirtu sheegeen in ay ayaga gacmo bannaan ay dadka qalayaan gacmo gashi la’aan darteed.

Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in dalal badan cudurka ka koronuhu ka tanbadin doono haddii uu ku faafo. Dhawr wasiir oo ayuu goor horaba haleelay dalka Burkina Faso. Halka Nigeria uu haleelay kaaliye sare oo madaxweyne Bukhaari. Koongo waxaa u dhintay kaaliye madaxweynaha dalkaas.

“Haddii cudurka lagaa helo, waa in aad daryeel ka raadsatid dalka aad joogtid,” ayuu yiri madaxa  Africa Centers for Disease Control and Prevention, Dr. John Nkengasong, ma ahan xukun dil toogasho ah,” ayuu sii raaciyay.

Nigeria, dad badan ayaa ka welwelsan in madaxweynaha dalku kaba mid yahay dhibbanayaasha KORONAHA, ayaga oo niyadda ku haya maqnaanshaha dheer ee madaxweyne Bukhaari, asaga oo London caafimaad ugu aaday cudur aan la sheegin dawadiisa. Tiwitarka ayay su’aalohooda la’aadeen ayaga oo leh “muxuu qaranka uga la hadli la’yahay xaaladda KORONAHA?

Xafiiska Bukhaari ayaa daadafeeyay mala’awaalka, asaga oo axaddii soo muuqday kuna dhawaaqay joojinta duullimaadyada caalamiga iyo xiridda garoonnada.

Kalyantiga dibad u dhoofka, 87 jirka Kaamaruun madaxweynaha ka ah, Paul Biya ayaa wajahaya cambaarayn ku aaddan ka  maqnaanshihiiha indhaha dadwaynaha tan iyo intii koronuhu dalka ku faafay. Kiisaska dadka qaba cudurka ayaa gaaray 500, waa dalka labaad ee ugu badan kuwa Saxaraha ka hooseeya Koofur Afrika ka dib.

Inkasta oo xinnibaadda duullimaadyadu dhulka ku xannibtay taajiriinta, ka faalloodaha arrimaha siyaasadda, Alex Rusero waxa uu qabaa in madaxda Afrika geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaan sidii au dibadda daryeel caafimaad ugu doonaan lahaayeen inta xaaladda koronafayrasku taagan tahay.

“Dhimashada ayay ka cabsanayaan marka wax walba oo ay awoodaan ayay samaynayaan xattaa haddii ay noqoto in ay “private jet”  kiraystaan kuna aadaan  “private hospital” dhul shisheeye ku yaal, ayuu Rusero oo Zimbabwe deggani yiri.

Ma jirto meel Zimbabwe ka dayac badan halkaas oo Koronaha ka hor isbitaalladu ehelada bukaannada ka codsanayeen in ay keenaan qalabka asaasiga ah sida gacmagashiga iyo biyo nadiif ah. Waxaa la wariyay in dhaqaatiirtu bacaha rootiga ku qaadayaan kaatida bukaannada.

Madaxweyne Xigeenka Zimbabwe  Constantino Chiwenga, bishii hore ayuu jirro aan koronaha la xiriirin Shiinaha u aaday. Markii uu soo noqdayna waxaa uu hoggaan u noqday guddiga la diririka koronaha.

Qaar ka mid ah jiilka cusub ee madaxda Afrika ayaa muujiyay dareenka koronaha.

Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi waxa uu iska dhagatiray xannibaaddii dalkiisa la saaray asaga oo Namibia u aaday caleemasaarka hoggaamiyeheeda balse markii uu soo noqday waa uu is karintiilay asaga shacabkiisa ka codsaday in ay guryaha joogaan xaaladda ku tilmaamay geeri ama nolol.

Madaxweyne Koofur Afrika  Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in cudurka laga waayay hor intii 3 asbuuc oo badandow guud ahi uusan ka dhaqangalin dalka Afrika ugu hormarsan.  Madaxweynaha Madagascar  Andry Rajoelina asna si la mid ah.

Hoggaamiyayaal kale oo ay ka mid ah Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore iyo Abiy Ahmedka Itoobiya waxa tiwitarka soo dhigay auaga ku shaqaynay videoconference.

Inkasta oo madax badan Afrikaan ah guryaha lagu lug xiray si aan horay loo arag, haddana fursadaha ay u heli karaan daryeellada caafimaadku waa ka wanaagsan tahay midda in badan oo shacabkooda ah.

Caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, arday caafimaad, Franck Bienvenu Zida waxa uu ku jiraa karintiil kaddib markii la xiriiray qof caabuqa qaba. 26 jirkaani waxa uu u cabsanayaa dadka deggan halka uu ku nool yahay, balse dadaalkiisi uu ku doonayay in uu isbaaro waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay, 3 beri oo uu nambarka xaaladaha deg degga ah wacayay, weli cidna ka ma qaban.

Waxaa Diyaariyey: Cali M Diini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here