Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa laga helay cudurka #COVID19

0
89

Dowladdaha Itoobiya iyo Ethopia ayaa xaqiijiyeen in bukaannadii ugu horeeyay ee qaba cudurka #COVID19 laga helay dalalkooda.

Mutahi Kagwe, wasiir caafimaadka Kenya ayaa xaqiijiyay in cudurka laga helay haween u dhalatay Kenya taaso  ka soo safartay dalka Mareykanka iyadoo soo martay dalka Ingiriiska.

Dhinaca kale, muwaadin u dhashay Japan ayaa laga helay cudurka #COVID19 , sida uu ku dhawaaqay duqa magaallada Addis Ababa Takale Uma Banti.

Illaa iyo hadda, Soomaaliya wax bukaan ah laguma arag oo qaba cudurk #COVID19, balse, hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqday in #COVID19 uu caalamka ku yahay caqabad caafimaad loona baahan yahay in si degdeg ah loo wajaho.

Cudurka #COVID19, waa feyrus sababa infakshan ku dhaca sanka, ama cunaha qeytiisa sare. Cudurkan ayaa horraantii bishii Disember 2019 ka dillaacay oo markii ugu horreysay lagu arkay magaalada Wuhan, gobolka Hubei ee dalka Shiinaha.

Feyruska Coronaviruse si fudud ayuu ku faafaa, waxaana lagu kala qaadi karaa, qufaca iyo hindhisidda, iyo sidoo kale, taabashada ama gacan qaadista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here