Cudurka Jadeecada (Measles)

0
26

Jadeecadu waa infakshan ku dhaca carruurta oo aad u faafa, mararka qaarkood sababi kara dhibaatooyin daran oo xitaa carruurta yaryar u dhiman karaan.

Jadeecada waxaa sababo fayrus, had iyo jeer waxaa looga hortagi karaa tallaal. Cudurka wuxuu dilaa in ka badan 100,000 oo qof sanadkii, badankoodu ey yihiin carruur 5 sano ka yar.

Fayraska jadeecada waxaa ku jira malaayiin dhibco yaryar ah kuwaaso ka soo baxa sanka iyo afka markii qof cudurka qaba uu qufaco ama hindhisto, Ka dibne waxaa si fudud ayaa uga qaadi kartaa adigoo neefsashada oo hawada ka jiida dhibicyadii. Sidoo kale, taabashada dhibcahaas waa lagu qaadaa marka gacmahaaga gelisid sankaaga ama afkaaga (fayrasku wuxuu ku noolaan karaa dusha sare dhowr saacadood).

Calaamadaha Jadeecada
Calaamadaha jadeecada waxay soo muuqdaan 10 ilaa 14 maalmood kadib marku fayrska galo jirkaakaaga, waxaa ka mid ah:

  1. Qandho
  2. Cunto xumo
  3. Qufac Qallalan
  4. Indhaha iyo Sanka oo biyo ka da’aan
  5. Sanka oo xirma
  6. Cune xannuun
  7. Indhaha oo bararsan, mararka qaarne gaduud noqda
  8. Dhibco yar yar oo cad -cad lagana helo gudaha afka kuna yaal dahaarka dhabanka 
  9. Finiinac yaryar oo  maqaarka ka soo baxo.

Daaweynta Jadeecada
Ma jiro daawayn gaar u ah jadeecada. Dadka qaba jadeecadu waxay u baahan yihiin nasasho sariirta ah, cabitaan badan si looga fogaado harraad ama fuuqbax, iyo qandhada oo la xakameeyo. 

Sidoo kale, bukaanada qaba Jadeecad waxay u baahan karaan in laga daaweeyo waxyeelada cudurka uu sababo, sida; shubanka, fuuqbaxa, caabuq dhagaha, caabuqa sambabka, maskaxgaraadka. 

Siyaabaha looga hortago Jadeecada
Ka hortagga ugu muhiimsan waa tallaalka. Tallaalka Jadeecada waxaa lagu daraa tallaalada cudurada qaamo-qashiirka iyo jadeecada jarmalka (MMR).

Carruurta ayaa laga tallaalaa markay da’doodu tahay 12-15 billood, marka labaadna waxa tallaalka la siiyaa markay da’doodu tahay 4-6 sano. Sidoo kale, jadeecada ayaa lagu talinayaa in la siiyo carruurta 6-12 bilood jirta oo u safraysa meelaha u cudurku ka dilaaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here