Cudurka Gawracatada (Diphtheria)

0
102
Gawracatada waa infakshan aad u faafa oo sababi kara dhimasho haddi aan la daaweyn. Gawracato waxa uu halleela cunaha, afka iyo sanka. Cudurka waxa uu ku faafa qufaca iyo hindhisada, adigoo xiriir dhaw la yeesho qof cudurka qaba. Sidoo kale, waxa aad ka qaadi kartaa adiga oo la wadaaga qofka cudurka qaba waxyaabaha, sida koobabka.
Isku gudbinta infekshankaan ayaa ah mid sahlan, waxaana halis ugu jira carruurta iyo dhalinyarada meel dhexaadka ah aan tallaalnayn, dadka ku nool meelaha bulshadu aad ugu badantahay iyo waliba qof walba oo u safra wadan ama meel gaar u ah cudurkaan.
Calaamadaha Gawracatada
Calaamadaha waxay badanaa billowdaan 2 ilaa 5 maalmood kadib markuu cudurka qaado. Haddaba, calaamadaha ugu muhiimsan ee gawracatada waa:
  • Xuub adag oo ku dahaarmaya dalqada qofka
  • Cuna xanuun
  • Codka oo qofka kasoo bixi waaya
  • Qanjirada ku yaala surka oo barara
  • Neefsashada oo adkaata
  • Qandho iyo qar qaryo
Daaweynta Gawracatada
Daaweynta ugu muhimsan waa:-  Antibiyootik si loo dilo bakteeriyada loo yaqaan ‘gawracatada’ waayo daawooyinkaas waxay joojiyaan waxyaalaha sunta ah ay soo saarto bakteeriyada. Sidoo kale, waxaa laga marmaan ah in si buuxda u nadiifisid hadduu jiro 
Siyaabaha looga hortago Gawracatada
Ka hortagga ugu muhiimsan waa tallaalka. Tallaalka gawracatada waxaa lagu daraa tallaalada cudurada xiiqdheerta iyo teetanada.
Waa hal tallaal oo lagula dagaalamo saddex cudur. Nooca ugu danbeeyay ee tallaalkan waxaa loo yaqaanaa DTAP  oo loogu tala galay caruurta iyo TDAP oo Dadka waawayn loogu tala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here