Cagaarshowga C
Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada adduunka qabta cagaarshowga nooca C  waa 170 ilaa 200 milyan oo qof; sanad kasta tirada bukaanka cusub ee uu ku dhaco waxay gaareysaa 3 – 4 milyan. Feyruska cagaarshowga nooca C waxaa la helay 1989-kii, horay waxaa loo dhihi jiray (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horreeyay wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiigga dadka lagu shubo, isagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida. 

Wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jirran marka uu gaaro qofka fiyow. Haddaba, Markuu feyruska dhiigga galo ilaa ay calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalin (45 -180 maalin). 

Calaamadaha Cagaarshowga B
Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaaga aamusan (Silent Killer). Dad badan oo qaba cagaarshowga C ma leh astaamo. Laakiin inta u dhaxaysa 2 toddobaad iyo 6 bilood ka dib marka fayrasku soo galo dhiiggaaga, waxaal la arkaa calaamdahaan

  • Saxarada oo midab leh
    Kaadida madow
  • Qandho
  • Daal
  • Kala-goys xanuun
  • Cunno xumo
  • Lalabbo
  • Calool xanuun
  • Matag
Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga
Ka hortagga ugu muhiimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca B, oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga uu qofku haleelo, wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota. Talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha la isku duro, sakiinta gar-xiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah in qalabka loo isticmaalo ilko-bixinta dalqo-goynta qun-goynta, gudniinka wiilasha, dhago-durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo, taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Halkaan ka aqrsio Cudurka Cagaarshowga B (Hepatitis B)
Halkaan ka aqrsio Cudurka Cagaarshowga A (Hepatitis A)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here