Cagaarshowga B (Hepatitis B)
Cagaarshowga noocaan ah waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu khatarsan. Cudurkan wuxuu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya ama joogta ah. Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) uu boqal jeer ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka. Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jirran marka uu gaaro dhiigga qofka fiyow, sida:-

  • Hooyada uurka leh oo cunugga u gudbin karta xiliga dhalmada, xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
  • Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
  • Cirbad lagu duray qof jirran oo qof kale loo isticmaalo.
  • Qalabka ama sakiinta gar-xiirka, madax-xiirka oo wadar loo isticmaalo.
  • Wuxuu ku gudbi karaa galmada.
  • Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:– Dalqo-goynta, qun-goynta, ilko-bixinta, gudniinka-fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo-dhaqameedka, sarsarmada iyo toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Calaamadaha Cagaarshowga B
Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee, balse, calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca:

  • xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg
  • Daal
  • Matag iyo shuban
  • Miisaankaaga oo is dhimo
  • Is xoqid badan
  • jooniska (indhaho caseeye
  • midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.

Baaritaanka Cagaarshowga B
Hadii lagaa baaraayo cagaarshowga B, dhiig tijaabo ah ayaa lagaa qaadaa oo la soo baaraa. Baaristu waxay sheegi doontaa hadii aad:

  1. inuu ku hayo hada cagaarshowga B
  2. Inuu hore kuu hayey cagaarshowga B ama aad si buuxda uga bogsatey (iyo in aanad dib u qaadi doonin mar labaad)

Maxaa la isku baaraa?

  1.  Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale.
  2. Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho
  3. Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.

Daaweynta Caagarshowga B
Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin cagaarshowga B. Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’. jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan cagaarshowga B aan la daweyn Karin qaar ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga
Ka hortagga ugu muhiimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca B, oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga uu qofku haleelo, wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota. Talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha la isku duro, sakiinta gar-xiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah in qalabka loo isticmaalo ilko-bixinta dalqo-goynta qun-goynta, gudniinka wiilasha, dhago-durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo, taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Halkaan ka aqrsio Cudurka Cagaarshowga C (Hepatitis C)
Halkaan ka aqrsio Cudurka Cagaarshowga A (Hepatitis A)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here