Agaasime 3aad oo loo magacaabay isbitaalka Martiini muddo bil ah

0
186

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Abiikar ayaa Agaasime seddexaad u magacaabday Isbitaalka De Martiini ee Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Cusub ayaa lagu magacaabaa Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) oo hore u ahaa afhayeen Guddiga ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID19 ee Soomaaliya.

Bishii hore, Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka ayaa waxaa ku-simaha agaasimaha Isbitaalka De Martiini loogu magacaabay inuu noqdo Dr Ibraahim Xuseen Cali, isagoo bedelaya  Agaasime k/xigeen hore Dr Caasho Daauud Ibraahim.

Agaasimahii hore Isbitaalka De Martiini ayaa xaalad caafimaad darro loogu qaaday dalka dibaddiisa kadib markii laga helay cudurka COVID19. Dr Abdiaziiz Ibraahiim, agaasimahii hore isbitaallka ayaa asagane u magcaabay Dr Caaho Daauud ku-sime Agaasime taariikhda marka ey aheyd 15 bishii April.

Soomaaliya ilaa iyo hadda cudurka COVID19 wuxuu ku dhacay 2,642 qof, oo 622 qofood oo ka mid ahi ay ka bogsatay, 88 qofna u geeriyootay. Sidoo kale Xanuunka wuxuu ku faafay dhammaan gobollada dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here